Xog: Qorshe halis ku ah 3 xildhibaan oo Mudullood ah oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog sir ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujinaysa qorshe halis ku ah xildhibaanada Mudulood qaarkood oo ay waddo kooxda Damu-Jadiid, kuwaas oo ay u aragto inay halis ku yihin siyaasaddooda.

Qorshaha ayaa muujiyay in la shirqoolo oo la qaarijiyo xildhibaanada Muddulood ee kala ah Caddow Cali Gees oo Wacaysle ah iyo Cabdulqadir Cosoble Cali iyo Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo Harti-Abgaal ah, maadaama ay madaxtooyada ku fashilantay inay is hortaagto kuraastooda oo ay si xalaal ah kusoo baxeen.

Kooxda Damjadiid ayaa dooneysay iney banaanka dhigaan siyaasiyiinta iyada oo taageero dhaqaale la Garab istaagay rag ay kula dagaalamayeen siyaasiyiintaasi oo ay kamid yihiim Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wasiiru dowle kasoo noqdey dowladda uu waqtigeeda uu dhamaadey, Muuse Suudi Yalaxoow, Muxudiin Saabeey, iyo Saadaq Cabdikariim oo ahaa agaasime xigeenkii madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Damjadiid ayaa qorshahan halista ah u xil saartay saraakiil ka tirsan kooxda ruuxaanta ee dilalka u fuliya Damjadiid, iyada oo sidoo kalena abaabulaya qaraxyo lagu weeraro xarumaha xubnahaasi oo dhaqaala ahaan banaanka iska dhigay Madaxtooyada.

Qorshahan ayaa waxaa soo dhaweeyey oo Damjadiid ku taageerey xisbiga Daljir oo heshiis hoose kula jira madaxtooyada oo caqabadna u arka beesha ay xubnahaas ka soo jeedaan inay taageera xoogan siinayaan musharax ku hayb ah Xasan Shiikh Maxamuud madaxweynaha xilligiisa dhamaadey, taasi oo ay u arkaan inay halis ku tahay damacooda ah inay noqdaan go’aamiyayaasha doorashada iyo xubnaha heli doona xukuumadda lasoo dhisi doono haddii Xasan dib loo doorto.

Daljir ayaa ku wargelisay Damjadiid in Xildhibaankii Hore Xaaf uu hotel Samira ku xareystay xildhibaanada cusub qaarkood taasi oo ay ku tilmaameen caqabad inay kunoqon karto qorshaha doorashada, waxaana xildhibaam Xaaf oo kursigiisa si musuq ah uu ugu soo baxay xoghayaha xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi in il gaar ah loo lahaado oo laga hortago kulamada qarsoon ee Hotel Samira ka socda.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com