Xog: Wardoonka Puntland oo Ganacsato dhowr ah ka baadi-goobaaya magaalada Boosaaso

Bosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo baaritaan ay wadaan Saraakiil ka tirsan Wardoonka Puntland.
Baaritaanka socda ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo tuhun ku aadan in magaalada

Boosaaso ay gudaha u galeen Ganacsato dhowr ah oo maleeshiyaadka Daacishta Somalia ka caawisa sida uruurinta dhaqaalaha.

Ganacsatada lagu raad joogo oo gaareysa ilaa Afar Ganacsato ayaa maleeshiyaadka Daacish ka caawisa iibinta adeegyada aasaasiga oo lagu diyaariyo deegaano ay ka rarankaraan maleeshiyaadka.

Waxyaabaha ay Ganacsatada ka caawiyaan Daacishta Galgala ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Hubka sharci darada oo si joogta ah looga raro deegaanada maamulka kuwaa oo si kuturubaan ah lagu soo galiyo dhulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira maleeshiyaadka Daacishta Somalia oo saldhigooda ugu weyn uu ku yaalo buuraaleyda Galgala.

Geesta kale, Daacishta ka howlgasha buuraaleyda Galgala ayaa dhankooda kawada tabaabusheysi ka dhan ah maamulka Puntland oo ay kala kulmaan iska caawinta ugu badan.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaaso

Caasimada@live.com