Xog-warran: Maxay Kheyre iyo Taabit xiligan u raadinayaan kalsooni?  

Saddex bil ka dib ayaa labo shir oo isku ujeeda ah lagu qabtay labada dhinac ee Magaalada Muqdisho. Shirarkan ayaa midna lagu taageeray Taabit Cabdi gudoomiyaha Gobolka Benaadir, halka shirka kale lagu taageeray Xasan Kheyre Raysalwasaaraha Xukuumadda. Labada nin oo uu saaxibnimo ku soo xushay Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqata in ay hanan la’yihiin kalsoonida beshooda.

Xildhibaano iyo wariyayaal aad loogu yaqaano dalaal nimo ayaa labada xaflad ku qaatay qandaraas. Inkastoo uu Raysalwasaare Kheyre ku celceliyo in uu musuq maasuqa la dirirayo, ayaa muuqata in uu arrinkaasi afka baarkiis dhaafsiisanayn mar hadii labada xafladood lagu bixiyey $150k oo doolar.

Muqdisho waxaa maalmahan ka socday abaabulo ay beelaha Hawiye isugu imaanayeen shirar kala duwan. Ujeedka shirarka ayaa lagu sheegay xaq raadinka maqaamka iyo metelaada Gobolka Banaadir. Waxaa arrinkan sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabeele Balcad ku fidiyey gogol lagu dhisayo maamulka Gobolka Banaadir, Isagoo shegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudugna ay arrinkaas isku ogyihiin. Inkastoo ujeedada shirarka ay sida loo sheegay tahay, hadana kama marnayn diidmo laga muujinayo habdhaqanka gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Waa taa mida keentay in la qabto xafalada taageeradda Gudoomiyaha Gobolka.

Diidmada Taabit waxay galaafatay Raysalwasaare Kheyre oo isku dhigay Taabit, kuna bixiyey ra’sumaalkisii siyaasadeed. Kheyre ayaa arrinkan u samaynaya abaalgud maadaama uu Taabit magacaabistiisa ka danbeeyey. Taabit iyo Raysalwasaare kheyre waxay dagaal ku qaadeen kooxda Horusocod iyo Daljir, oo ay ka urinayaan in ay yihiin xoog siyaasadeed Hawiye. Labada nin gacan kuma hayaan  labada madaxweyne ee Hirshabeele iyo Galmudug. Waxay kaloo aaseen oo aan wax kaalin muuqata ah lahayn Wasiirada Beesha Hawiye, maadaama ay doonayaan in ay iyagu is muujiyaan meel kastana ka muuqdaan.

Hadaba fashalka Gudoomiyaha Gobolka iyo Raysalwasaaruhu ku hanan la’yihiin beesha Hawiye ee ay ka dhasheen wuxuu galaafan doonaa xukunka Madaxweyne Farmaajo hadii uusan xili hore iska qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com