Xog-warran: Somalia, ama Norway ayey noqonaysaa ama Nigeria..!!

Dalka Norway waa waddan model ah, marka laga fiiriyo sida ay u maamuleen kheyraadka ay haystaan. kheyraadka Norway ayaa waxaa maamula shirkado ay dowladdu leedahay, una shaqeeya si private ah oo faa’ido doon ah. waxa ay maal-geliyaan hadba meeshii faa’ido laga soo sheego caalamka. illaa iyo hadda qeyb ahaan waxa ay u maal gashadeen caalmka sida tan:
36% EUROPE,
42% NORTH AMERICA,
18% ASIA AND OCEANIA,
4% REST OF THE WORLD
Sababta ay Norway u daneyso siyaasadda arrimaha dibadda ayaa ah, in ay lacago Balaayiin dollar ah ka taallo caalamka daafihiisa. illa (78) waddan oo caalmka ka mid ah ayaa looga shaqeeyaa lacagtooda, waxaana ku shaqeeya illaa iyo 9000 oo shirkadood oo caalmka daafihiisa kala jooga. tusaale yar hadaan u soo qaadano, shirkadda ugu weyn Allamunium ka ee wadan Asia ah ka shaqeysa waxaa isla leh Norway iyo Qatar, waxa ayna ku taalaa Doha. (Qatalum) oo norway ay leedahay 50%. Sanadikii 2015 ka waxa ay xaqiijiyeen in lacagta kasoo xarootay maalgelintii dibada ay ka badatay lacagtii ay ka heleen shidaalka baaxadda leh uu Alle siiyey ( fiiri graphka 1).
Taasi ayaa ku kaliftay sanadkaan 2017 kaliyah in ay u qoondeeyeen in ay dalka bannaankiisa ku maal gashadaan lacag dhan $18 Billion Dollarka mareykanka ah. Hadaad u fiirsato isbadalka ku dhacay lacagta ay caalamka ku maal gashadeen waa wax aad u yaab badan, tusaale ahaan; sanadkii 2008 dii maalgelinta u taala dibada waxa ay ahayd $3.4 trillion, Balse march 2015 kii lacagta banaanka uga shaqeysa waxa ay gaartay $7.1 trillion ( oo isugu jirta hanti ma guurto ah iyo mid kale).
Norway, hal meel kuma shubin lacagaha ay heystaan, balse waxa ay sameeyeen (diversification) in ay meelo kala duwan ku maal geeliyeen, si hadii ay khasaare ku timaado mid ka mid ah maal gelintii ay sameeyeen, uga badbaadaan khasaare xoogan ( fiiri graph 2).
Waxaa laga yaabaa in aad is tiraahdo waa dal aan muslim ahayn oo wax kasta ayey ku maal geliyaan lacagaha ay haystaan, hadaba taasi ma dhicin oo Norway lacagaha ay bannaanka ku maal-gashadeen waxaa ka mamnuuc ah: khamrada, militeriga, Sigaarka, hubka, wax kasta ee cimiladda u daran, kaaga sii daran ma maalgeliyaan company israel leedahay kana shaqeeya daanta galbeed iyo gaza). mida ugu yaabka badan ayaa ah in norway aynan isticmaalin lacagta shidaalka kasoo xaroota wax ka badan 4%. iyadoo sanadkaan 2017 ay qorsheeynayaan in kaliyah 3% laga isticmaalo. ugu danbeyn, warbixintii ugu danbeysay ee bankiga adduunka sanadkan ayaa waxa lagu sheegay in Norway ka qanisan tahay Dalka Burundi 496 Jeer. Maxaa lagu gaaray baad is leedahay????
Dalka Nigeria waa wadanka 1-aad ee Africa ugu shidaal soo saaris badan. Adduunkana waxa ay uga jirtaa kaalimaha hore, oo Norway waa ay kaga horeysaa. shidaalkeeda wixii kasoo baxa jeebka ayaa lagu qaataa, governers-ka ayaa leh maraakiib iyo diyaarado, waxa ayna haystaan lacago ayan waddamo africa ka mid ah aynan heysan. shacabkana waa digada oo waxa ay ku nool yihiin wax ka yar (2) dollar maalintii. iska daa mustaqbal in laga sii fikiro, maalin jooga ayaanan gacan ugu jirin. Su’aashu ayaa waxa ay tahay Somalia ma wadadii Norway ayaa u sahansan, Ama walaasheed Nigeria oo ay isku dhiig yihiin, lana wadaagto federaalka iyo qabiilka ayey kaga dayan doontaa???
 
W.Q: Hassan Magan
Kala xiriir twitter: @HassanMagan