Xog: Xagee kala marayaan ololaha Xasan Sheekh iyo Sharmaarke?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda ololaha Musharaxiinta u taagan Madaxweyninimada Somalia mudada u dhexeysa 2017 ilaa 2020-ka.

Ololaha xoogiisa ayaa waxaa wada Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka oo labaduba ku loolamaaya kursiga ugu sareeya dalka, inkasta oo ay wada hogaaminayeen dowladii u dambeysay.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu ololihiisa ka socdaa laba guri oo u dhow Madaxtooyada Somalia iyo Hoteelo dhowr ah, halka ololaha Cumar C/rashiid uu yahay mid aan laga warqabin halka uu ka socdo, inkasta oo uu u badan yahay hotelka Paradise.

Xildhibaanada iyo dadka shacabka ah ayaa ku kala aragti duwan qaabka uu usocdo ololaha labada mas’uul waxa ayna dadku yihiin kuwo si siman u aaminsan labada Musharax maadaama ay leeyihiin taageero barbar dhac ah, marka la eego sida ay wax u socdaan.

Dadka qaar ayaa qaba in ololaha Madaxweyne Xasan uu yahay mid ka badan kan uu wado Cumar C/rashiid Maadaama Xasan Sheekh uu xooga saaray sida uu mar kale ku hogaamin lahaa dalka, halka Ra’isul wasaaruhuna uu yahay mid ay ku jirto baqdin dhaqaale.

Xasan Sheekh ayaa marka la’eego dhanka taageerada caalamka ka badan Cumar C/rashiid, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweynuhu uu taageerada ugu badan ka helaayo Dowladaha Ethiopia, Qadar, Turkiga, Sacuudiga iyo Kuwait oo aan iminka ka dhexmuuqan Dowladaha kale.

Sidoo kale, Cumar C/rashiid ayaa taageero ka heysta Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka oo iminka isku xulufeysanaaya magaalada Nairobi.

Dadka qaar ayaa waxaa ku jira kuwo aad uga soo horjeeda soo laabashada Xasan Sheekh, halka qaarna ay qabaan in 4-sano ee soo socta uu dalka mar kale hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Doorashada dhici doonta ayaa waxaa suurto-gal ah in labaduba aysan kusoo bixin, oo musharax saddexaad uu ka dul qaado, waana arrin aad macquul ah, waayo Soomaalida waxay jecel yihiin wixii cusub.

Marka aan si kale u dhigno Doorashada Somalia ayaa waxaa kusoo bixi doona shaqsiga iibsada Xildhibaanada Cusub uu u hanqaltaagaya uruursi dhaqaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com