Yuusuf Garaad oo weerar ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiisyada ay Hogaamiyayaasha Gobolada dalka la galayaan dowladaha iyo shirkadaha shisheeye.

Wasiir Garaad ayaa sheegay in dowlada Somalia ay si dhow ula socto heshiisyadaasi, waxa uuna sharci darro ku sheegay in maamulada ay galaan heshiisyo ceynkaasi ah.

Waxa uu Garaad tilmaamay inay jiraan Hogaamiyayaal dalka dibadiisa ku saxiixa heshiisyo aanay ka warqabin dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Nuqul kamid ah haddalka Yuusuf Garaad ayaa ahaa ”Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada inta caasimad dal kale tagaan heshiis ma saxiixi karaan sharcina umalaha waliba iyaga oo Dowladooda mucaaradaya.”

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Maamul Goboleedka uu yahay dhul ka mid ah Somalia, isla markaana Somalia ay leedahay hal dowladeed oo gali karta keliya heshiisyada.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhaqaaqayaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada qaar ay dhaawac ku tahay qarannimada Soomaaliya.

Geesta kale, Wasiirka ayaa Hogaamiyayaasha ugu baaqay in ay meel isugu imaadaan isla markaana iska warqabaan dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com