​Somaliland oo diiday qodob ka soo baxay shirka IGAD ee Muqdisho

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka horyimid war-murtiyeed kasoo baxay shir madaxeedka 28-aad ee urur goboleedka IGAD, kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho caasimadda Somalia.

Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo oo ka hadlayay sida uu arko shirkan oo markii ugu horraysay bur-burkii dowladdii dhexe ee Somalia lagu qabto ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo iyo tallaabo horay loo qaaday, isagoo xusay inay xilli walba jecelyihiin nabad iyo hormar uu gaaro dalka.

“Sida aynu la wada soconno, waxa Caasimadda Dalka Somalia lagu qabtay maanta Shir Sannadeedkii, Urur Goboleedka ay ku Buhoobeen Dalalka Bariga Africa ee IGAD. Ugu horreyn, waanu soo dhawaynaynaa in Shirkaasi ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaanu u aragnaa tallaabo geesinimo leh oo hore loo qaaday.  Somaliland waxay soo dhawaynaysa dedaalka ay ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka Midowga Africa sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Somalia, isla markaana loogu dhisi lahaa Dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran,”Ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo ayaa cambaareeyay qodobada kasoo baxay shirkaas, gaar ahaan qodob taabanayay midnimada dalka Somaliya, isagoo xusay inuusan khusayn islamarkaana yihiin waddan madax-bannaan oo ka go’ay Somaliya inteeda kale.

“Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Somalia. Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somalia iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho,”Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu sheegay Siilaanyo, isagoo sii hadlayay inaysan matalin maamulkiisa, shaqsiyaad ku sugan caasumadda Somalia, isagoo meel kadhac iyo maagisba ku tilmamaay in la wakiisho xubno aysan iyagu dirsan.

“Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay. Waxaanu u aragnaa maag iyo meel ka dhac qaawan, in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah, madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan),”Ayuu hadalkiisa ku daray Siilaanyo.

Shacabka Somaliland ayuu ugu baaqay inay u istaagaan ilaalinta midnimadooda islamarkaan meel ugasoo wadajeestaan cid kasta oo wax u dhimaysa.

Ugu dambayn madaxweynaha Somaliland ayaa dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ku wargaliyay qodobada hoos ku xusan:-

1.  Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.

2.  Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.

3.  Somaliland waa waddan isaga oo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, ma’aha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen.

– Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.

– French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.

– Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.

4.  Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad %53 ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.

5.  Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.

6.  Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba, maantana qayb kama nihin Shirarka Somalia Dawladda loogu dhisayo.

Sidoo kale, Somaliland kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

7.  Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.

8.  Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97.7 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.

9.    Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan, oo leh Dawlad (Xukuumad iyo Baarlamaan sifo dimuqraadiya loo doortay), Xuduud Sugan oo Caalamiy ah, Cumlad iyo Calan u gaar ah.

10.  Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waa mid lama taabtaan ah, mana jiro haba yaraatee hammi iyo himilo salka ku haysa in dib loola midoobo Dalkii aanu ka go’nay ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com