10 cisho ma lagu qaban karaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in mudada 10-ka maalmood ah ee soo socota ay ku qaban karaan doorashada madaxweynaha dalka, taas oo la qorsheeyey inay dhacdo 15-ka bishaan May.

Guddoomiye Cabdiqani oo BBC la hadlay ayaa sheegay in musharaxiinta ay ku filan tahay labada maalmood ee la siiyey inay khudbadahooda ku jeediyaan, isagoo rajo weyn ka muujiyey in wixii ka dambeeya 15-ka bishaan uu dalku madaxweyne yeela doono.

“Waxaan tusaale ka soo qaadanay doorashadii guddoonka baarlamaanka, oo tirada kuraasta la doortay ay badneyd, waqtiguna uu aad intaan uga koobnaa, markaan is barbar dhignay waxaa noo soo baxday in 10-kaan cisho ay nagu filan tahay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani.

Mar  la waydiiyay sida mudadaas kooban ay ugu qaban karaan doorasho ay ku tartamayaan ku dhawaad 30 musharrax, ayuu ku jawaabay, “Musharaxiintii xilka madaxweynaha waa wada joogaan dalka, goobtii doorashadu waa noo diyaar, amnigana waan ku kalsoonahay, waqtiga aan sheegnay waa maalmo, laakiin habeenkii xitaan waan shaqey doonaa, si waqtigaas kooban aan doorashada ugu qabano.”

Maalinta loo qorsheeyey doorashada ee 15-ka bishaan May ayaa ku beegan Axada soo socota Axadeeda kale, waxaana maalintaas lagu rajo weyn yahay in lasoo af-jari mashruucii doorashadaan oo waqtigii loogu talo galay dhaaftay mudo sanad iyo lix bilood ah.

Musharaxiinta ayaa is diiwaan geli doona 8-da ilaa 10-ka bishaan, iyagoo 11-ka ilaa 12-ka khudbadahooda jeedin doona, laba maalmood oo nasiino ah kadib, waxaa maalinta 15-aad ee bishaan la qaban doonaa doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.