Waalidka Najma oo hanjabaad culus soo saaray, kadib dilkii gabadhooda

Hargeysa (Caasimada Online) – Labo maalmood ka hor ayey aheyd markii Najma Cabdillaahi Maxamed Cali oo aheyd Gabadh da’yar oo ka tirsaneyd Wasaarada Beeraha Somaliland uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland gudaha magaalada Hargeysa.

Najma Aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa ku hanjabay inaysan aasi doonin illaa inta sharciga la hor keenayo Ninka dilay Gabadhiisa, oo rasaas ku furay xili ay saarneyd gaarigeeda.

“Waa in cadaalada hesho Gabadheyda Najma, waxaa ku daba taaganahay howshaas Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi waa in sharciga sideeda u mariyaan. Waxaa la aasaya marka kiiskeeda lasoo dhameeyo,” ayuu yiri Cabdillaahi oo ah Aabaha dhalay Najma.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska dilka Najma uu kasoo dhamaaday CID-da, islamarkaana loo wareejinayo Maxkamadda Ciidanka Qaranka, maadama Ninka dilay uu ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.

Najma Cabdillaahi Maxamed Cali ayaa sidoo kale aheyd Aroosad cusub, ayada oo aqal-galkeeda loo ballansanaa bacda ciida, sida ay noo sheegen qaar kamid ah qoyskeedu.

Si kastaba, Ninka ay gacantiisa ku baxday Marxuumada ayaa markii uu dilka geystay isku dhiibay Xarunta Ciidanka Dab-damiska, ayada oo markii dambe ay la wareegen ciidanka Booliska oo hadda gacantooda ku jiro.