DF oo ka hortimid doodda musharaxiinta madaxweyne, shaacisayna sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaacisay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay qaban-qaabineysay dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa waxay uga digtay Somali Debates inay faraha kala baxdo waxyaabaha ay ku howlan tahay ee kamid yihiin barnaamijyada ku aadan doorashada.

Sidoo kale waxay ku war-gelisay Saaxiibada Beesha Caalamka, gaar ahaan ATMIS iyo UNSOM inaysan kala shaqeyn arrimaha warbaahinta cidaan fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta.

“Wasaarada Warfaafinta oo ka war heshay in hey’ada la baxday Somali Debates ku hawlan tahay waxyaalo ku saabsan Doorashada Madaxtinimada iyo doodaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha ay lugaha kujirto, Somali Debates ma haysato sharciyad warbaahineed oo ay dooda ku qabtaan waxna ku tebiyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaarada ayaa ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan.

“Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo, dhowraysana xoriyada hadalka maadama uu dalku ku jiro xili doorasho oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.”