10 ciyaaryahan oo Janaayo ka tegaaya kooxahooda EPL.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Toban ciyaaryahan oo ay macquul tahay inay Janaayo ka tagaan kooxahooda Barclays Premier League.

Iyadoo koox walba ay isku diyaarineyso inay haatan soo jiidasho ku sameyso ciyaaryahanka ay bartilmaameedka ka dhiganeyso Janaayo, maadaama uu suuqu furan yahay hal bil oo keliya.

Taas bedeleeda waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ciyaartoyda ay macquulka tahay inay ka tagaan kooxahooda bisha Janaayo.

Aan ku bilowno.

1: Edin Dzeko: Man City ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Arsenal

26 jirkaan ayaa ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkaan kusoo bilowday sedax kulan oo Premier League, laakiin waa maareeyaha goolasha Man City,  isagoo kooxda ka caawiyey guulo ay u baahneyd.

Roberto Mancini ayaan siday aheyd u icticmaalin weeraryahankii hore ee Wolfsburg, isagoo inta badan ka doorta weeraryahanada dalka Argentina Sergio Aguero iyo Carlos Tevez.

Wenger oo maaro u weysan musiibada ku habsatay Olivier Giroud oo aan kusoo bixin sidii laga filaayey ayey macquul tahay inuu Dzeko u dhaqaajiyo Gunners maadaama uu ganacsi fiican kooxdiisa kala dhexeeyo Sky Blue. Waxaana lasoo jeedinayaa inuu saxiixiisa doonayo bisha Janaayo.

2: Marouane Chamakh: Arsenal ayuu ka tegayaa isagoo ku laabanaya kooxdiisii hore Bordeaux

Wargeyska kasoo baxa dalka Faransiiska Le Figaro ayaa werinaaya in weeraryahanka Arsenal Marouane Chamakh ay u furan tahay inuu ku laabto Horyaalka Ligue 1 dalka France ka dib markii uu la qabsan waayey Gunners.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco ayaa lasoo sheegayaa inuu xiiseynayo inuu kulaabto kooxdiisii hore ee Bordeaux, marka uu Janaayo suuqa kala iibsigu furmo.

3: Marouane Fellaini: Everton ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Chelsea

24 jirkaan dalka Belgium Marouane Fellaini ayaa si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedkaan, wuxuuna kooxda lagu niinaaso Toffees ka caawiyey bilow wanaagsan oo horyaalka ah xilli ay ku jiraan kaalinta afaraad waxayna guul darro tirsadaan keliya hal kulan 11 ciyaar.

Tababare David Moyes ayaa lumin kara wiil uu soo barbaarshay hadii ay Chelsea miiska soo saarto aduun dhan 30 milyan oo ginni, ciyaaryahankii hore ee Standard Liege ayaana Chelsea ula muuqda bedelka Stamford Bridge ee Super Frank Lampard kaasoo ay da’du ka daba timid.

4: Darren Bent: Aston Villa ayuu ka socdaa waxaana lala xiirinayaa Liverpool

Liverpool ayaa lasoo werinayaa inay Janaayo dalab u direyso weeraryahanka Aston Villa Darren Bent, kaasoo waayadaan deris la noqday kursiga keydka.

Liverpool ayaa isha ku heysa inay xidigaan reer England isaga dhisaan weerarkooda habacsan, oo uu waayadaan kali ku ahaa Luis Suarez. Xilli uu Fabio Borini dhaawac kaga maqan yahay kooxda.

Bent waa ciyaaryahan si fiican u yaqaan Horyaalka Ingiriiska wuxuuna usoo ciyaaray Charlton Athletic, Tottenham, Sunderland iyo Aston Villa, waana 28 jir ku wanaagsan weerarka.

5: Adel Taarabt: QPR ayuu ka dhaqaaqayaa waxaana u baahan Arsenal

Arsenal ayaa waqti dheer lala xiriirinaayey ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco Adel Taarabt. Waxaana uu hada mar kale kusoo laabtay qorshohooda suuqa ay kaga soo kaluumeysanayaan Janaayo. Arsene Wenger ayaa sheegay inuu isha la raacayo weeraryahanka QPR, kaasoo xagaagii ku guul darreystay inuu Loftus Road uga biiro kooxda White Hart Lane.

6: Ryan Shawcross: Stoke City ayuu ka socdaa wuxuuna dib ugu laabanayaa Man United

Daafaca ku dhashay Chester ayaa lix sano la joogay Man United laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu waayo wanaagsan ku qaato, isagoo 2008dii hal milyan kula biiray Stoke City.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa haatan u arka daafac ku wanaagsan inuu mar kale kusoo laabto Old Trafford . Red Devils ayaana dooneysa inay dib ula soo saxiixato 25 jirkaan.

7: Emmanuel Adebayor: Tottenham wuxuuna ku wajahan yahay Celta Vigo

Wargeyska kasoo baxa dalka Portugal ee Fichajes ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan La Liga  ee Celta Vigo ay dooneyso saxiixa weeraryahanka Tottenham Emmanuel Adebayor.

28 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkaan keliya kusoo bilowday hal kulan oo Premier League ah, inkastoo uu ku wanaagsan yahay gool dhalinta, ayna taasi ku cadahay intii uu amaahda kula joogay kooxdaan. Tababare Andre Villas-Boas ayey u muuqataa inuu ka door biday Jermain Defoe.

8: Frank Lampard: Chelsea ayuu ka tegayaa wuxuuna u socdaa kooxda Shiinaha ee Guizhou Renhe

Ninka iska leh Guizhou Renhe ayaa sheegay inay Frank Lampard isku afgarteen inuu usoo dhaqaaqo Janaayo. Saxaafada Shiinaha ayaana sheegayey in xidiga Chelsea uu raaci doono wadadii ay mareen asxaabtiisii hore Didier Drogba oo u dhaqaaqay China iyo Nicolas Anelka oo isna ka ciyaara Horyaalkaas.

9: Nani: Man United  ayuu ka tegayaa wuxuu u socdaa Juventus

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee CalcioMercato, ayaa sheegaya in tababare Antonio Conte, oo ganaax kasoo laabanaya December, ay diiradu u saaran tahay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Man United Nani.

Nani ayaan si fiican xilli ciyaareedkaan uga dhex muuqan United waxaana lala xiriirinaayey kooxo dhowr ah, Juventus ayaase xidigaan baacsaneysay 18kii bilood ee lasoo dhaafay.

10: Marko Marin: Chelsea ayuu ka huleelayaa wuxuuna u socdaa kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach

Marko Marin ayaa loo qiimeynayaa inuu ka tago Stamford Bridge. 7 milyan ayuu ugu soo dhaqaaqay kooxda ka dhisan galbeedka London balse da’yarka reer Germany saameyn kuma yeelan Blues.

23 jirkaan garabka ka ciyaara xitta hal daqiiqo ma ciyaarin kubada cagta Premier League-ga, waxaana lasoo sheegayaa in tababare Roberto Di Matteo inuu xidigii hore ee Werder Bremen xariga qoorta u suri doono.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.