100 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka DR Congo

Beni (Caasimada Online) – Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay weerar ay koox maleeshiyo ah Arbacada ku qaadeen xero ay ku noolyihiin barekacayaal oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegeen madaxa urur samafal oo ka howlgala xerada iyo dadka deegaanka.

Labada ilo-wareed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in maleeshiyada CODECO ay masuul ka ahaayeen dilka xerada Savo oo u dhow degmada Buule ee gobolka Ituri.

Afhayeenka ciidamada Ituri Jules Ngongo ayaa sidoo kale xaqiijiyay weerarkan in ay fulisay maleeshiyada CODECO.

CODECO oo ah mid ka mid ah maleeshiyaad kala duwan oo ka dagaallama bariga Congo ayaa muddo dheer waday xiisad salka ku heysa dhul iyo kheyraadka dalkaas, waxaana maleeshidan ay ku dileen gobolka Ituri boqollaal qof oo rayid ah, waxayna ku qasbeen kumannaan qof inay ka cararaan guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Lokana Bale Lussa oo ka mid ah dadka ku nool xeryaha barekacayaasha ayaa sheegay inuu tiriyay in ka badan 60 qof oo dhintay, iyo kuwa kale oo dhaawacyo halis ay soo gaareen, wuxuuna sheegay in dadka xeryaha ku jira oo markii hore beeraley ahaa ay hadda u baahan yihiin amni.

Xerada lasoo weeraray ee Savo waxaa ku nool 24,000 oo qof, oo ka mid ah 1.7 milyan oo ku barakacay gobolka Ituri, sida ay sheegtay hay’adda NRC, waxaana sanadka 2021 lagu dilay ugu yaraan 1,200 oo rayid ah.