Maxaa ku qoran warbixinta 2005 ee Muuse Biixi dib uga codsaday Midowga Afrika?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay khudabad ka jeediyey munaasabad lagu xusay sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidamada Somaaliland ayaa fariin u diray Midowga Afrika, isagoo eedeymo u jeediyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu mudan yahay in la tixgeliyo damacooda, haddii aan wax loo tareyna ugu yaraan in lagula shaqeeyo nidaamkooda qaranimo, madax-banaanida iyo dimuqraadiaydda ka jirta dhulkooda.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxda Afrika aysan ku cadaadineyn inay aqoonsi ka helaan, oo Somaliland ay ku qanacsantahay in lagu dhaqmo sharciga xuduudihii gumeystaha, balse ay qaati ka taagan yihiin madaxda Soomaaliya oo la dooneysa inay wax ku darsadaan wadan gubanaya.

“Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka, ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno, walaalaheen ayaa khaldan oo leh aan wada gubanee kaalaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse ayaa Ururka Midowga Afrika ka codsaday inuu sii tixraaco warbixintii guddi Somaliland qiimeyn ku sameeyey sanadkii 2005-tii, taas oo raali gelisay damaca Somaliland.

“Ururka Midowga Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wafdigii uu soo diray 2005-tii ee yiri arrinta Somaliland wey ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego intii halkii laga qaado oo lasoo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

30-kii bishii April ee sanadkii 2005-tii guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socday ururka Midowga Afrika ayaa tegay Somaliland, si ay ugu ku uurgalaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, xorriyadtul qowlka iyo bani’aadanimada.

Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday warbixintii uu diyaariyey guddigaas oo ka koobneyd lix bog, warbixintaas waxay kaga hadlayeen xaqiiqooyinkii ay ku soo arkeen Somaliland, iyagoo booqday goobo iyo gobollo kala duwan.

Warbixintii Guddigaas waxaa lagu sheegay in xubnihii ka socday Midowga Afrika ay wadatashiyo kala duwan la yeesheen dhinacyada siyaasadda, Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, sida madaxweynaha, golahiisa wasiirrada, ergada ictiraaf u raadinta Somaliland, wakiillada ururrada rayadka, siyaasiyiinta xisbiyada iyo ururrada haweenbka.

Sidoo kale magaalooyinka ay booqdeen ee warbixintaas lagu xusay waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Berbera, Boorama, magaalada Sheekh iyo deegaano kale, waxayna sheegeen in dadkii ku noolaa magaalooyinkaas ay aragtidooda ka uruuriyeen.

Warbixinta guddigaas uu diyaariyey ee Muuse Biixi uu soo hadal qaaday waxaa lagu yiri “Bulshooyinka kala duwan iyo siyaasiyiinta aan la kulanay fariintoodu waxay tahay, madax-banaanida Somaliland inay lama taabtaan tahay, gorgortanna aan laga galeyn, dib dambana ay Soomaaliya ula midoobeyn ayna doonayaan inay aqoonsi ka helaan Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.”