12 ka xubnood oo Shabaab ahaa ‘oo howlgal lagu dilay’

Nairobi (Caasimada Onlie) – Dowladda Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal ay ciidamadeeda la galeen xoogaga Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadeeda jooga Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay milatariga dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku dhaawaceen tiro kale.

Kenya ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan saldhig ay ciidamadooda ku leeyihiin halkaasi, balse ay la kulmeen iska caabin xoogan

“Ciidanka Difaaca Kenya waxa ay dileen 12 ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dayey in ay weerar ku qaadaan saldhigga Howlgalka ee tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga Kenya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Kenya.

Sidoo kale waxay dowladda Kenya shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda weli sii wadaan howlgallada, su ay uga hortagaan weerarada ka imaanaya dhanka kooxda Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose looga dilay saddex askari, shan kalena looga dhaawacay.

Inta badan xoogaga Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhiga ciidamada Kenya ee ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwa kale ee gobolka Waqooyi Bari.