Anwar Ibrahim – Maxbuuskii hore ee shalay xilka ra’iisul wasaaraha loo dhaariyey

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.

Qabsashada Anwar ee xilka ra’iisul wasaaraha ayaa buuxisay nolol siyaasadeed oo kaliya aan gayn halka ugu sarreysa awoodda dalka, balse sidoo kale dhigtay xabsi.

Taageerayaasha Anwar ayaa ku dabaal-degayey caasimadda Kuala Lumpur.

Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi.

Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.

Si looga gudbo is-mari waaga, boqorka ayaa u yeeray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin Yassin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta labaad ku galay 73 kursi. Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen.

Boqorka ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu dhowaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha.

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah.

Waxaa markii ugu horreysay la filayey inuu xilka qabto dhammaadkii sagaashamaadka, kadib markii uu wasiirka maaliyadda usoo noqday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad.

Hase yeeshee, labadooda ayaa isugu dhacay sida loo maareyn lahaa xasaraaddii dhaqaale ee Asia ee 1997-1998.

Mahathir ayaa kadib xilka ka qaaday Anwar, oo sidoo kale laga cayriyey xisbigooda xilligaas ee UMNO, waxaana lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo galmada qoomo luudka — eedeymahaas oo Anwar uu sheegay inay ahaayeen kuwo siyaasadeysan.

Anwar ayaa waxaa lix sano oo xabsi ah loogu xukumay musuq-maasuq 1999, ayada oo sagaal sano oo kalena loogu xukumay eedeymaha galmada, sanadkii xigay.

Maxkamadda Sare ee Malaysia ayaa 2004 baabi’isay xukunkii galmada ee lagu riday Anwar, waxayna amartay in lasii daayo.