Xog: Xasan oo booqasho ku tegaya Boosaaso + Ujeedka

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda safar booqasho ah ku tegi doono magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in haatan qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha laga dareemayo halkaasi, ayada oo amniga aad loo adkeeyey.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in madaxweyne Saciid Deni oo haatan ku sugan dalka Isu Tegga Imaaradka uu soo gaabin doono safarkiisa, kadibna uu tegi doono magaalada Boosaaso, si uu uga sii hormaro Xasan Sheekh, uguna soo dhoweeyo magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada hoggaamiye ayaa daah-furi doono mashruucyo laga hirgelinayo Boosaaso iyo sidoo kale ballaarinta garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer sameyn doono, waxaana ka mid ah meelaha uu booqan doono xarunta PMPF, halkaas oo tababar looga furayo ciidan cusub.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu kulmao la qaadan doono hoggaanka Puntland, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay safaro kala duwan ugu bixiyey Puntland, waxaana markii ugu dambeysay uu xariga ka jaray dekedda Garacad ee Mudug.