Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka badan 120 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah waxay ku yeesheen maanta Magaalada Muqdisho kuwaasoo ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan xukuumada cusub ee uu soo dhisay R/W CCC.
Xildhibaanadaan shirarka qaatay ayaa tiradoodu gaareysaa 120 mudane waxaana ay dhaliileen habka loo maray dhismaha xukuumada cusub oo ay carabka ku adkeeyeen inay ka soo horjeedaan.
“Waxaan isku balansanay inan ridno xukuumada cusub marka nala horkeeno baarlamanka maalinta Isniinta” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada oo nala hadlayay.
Mudanayaasha qaar oo aan si hoose ula sheekeysanay ayay ka muuqatay caro badan oo ay ka qaadeen dhismaha xukuumada cusub waxaana ka go’neyd inay ridaan.
Mudanayaasha shiray oo u badnaa Kutooliyinkii dhawaan ka dhex sameysmay xildhibaanada ayaa kulano hoose waxay ka yeesheen wadada ay u marayaan jalaafo ay u dhigaan ansixinta xukuumadaasi doooneyso.
Si kastaba hadii xukuumadaani weyso kalsoonida xildhibaanada waxaa adkaan doonta si mar kale lagu soo dhiso xukuumad taasoo xaalada siyaasadeedna sii cakirin karta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

