Baaritaan ay QM ku sameysay XASAN oo arrimo naxdin leh shaaca ka qaaday

New York (Caasimada Online) – Guddiga dusha kala socda u hogaansanaanta xannibaadaha ay QM saartay Somalia, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh, Fowsiya Yuusuf iyo shirkad Mareykan ah ku eedeeyey shirqool hantida Soomaaliya ee dibedaha ku xayiran, si shaqsi ahaaneed loogu weecinayo.

Warbixin cusub oo kasoo baxday kooxda UN Monitoring Group, oo 8 qof ka kooban, ayaa arrintan shaaca uga qaaday natiijadii kasoo baxday baaritaan ay sammeysay oo loo gudubay golaha ammaanka ee QM.

UN Monitoring Group waxa ay sheegtay in xogta ay soo uruurisay illaa iyo hadda ay muujineyso in hanti qaran la doonayey in loo adeegsado si shaqsi ah.

Waxa ay kooxdan sheegtay in shirqoolka ay ku lug lee yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Shirkadda Mareykanka ee Shulman Rogers iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo laba qof oo kale oo ay sheegtay inay u kala dab qaadayeen Shulman iyo dowladda Somalia.

Dhammaan dhinacyada lagu eedeeyey warbixinta waa ay beeniyeen, waxaana ay sheegeen in ninka madaxda ka ah Monitoring Group ee Jarat Chopra uu warbixinno been ah faafinayo.

Tuhunnada qaar ayaa ah in arrintan ay tahay dagaal qabyaaladeed oo lagu hayo Xasan Sheekh, maadaama dhammaan raga Soomaalida ah ee la shaqeeya UN Monitoring Group ay yihiin reer Puntland.

Fowsiya Yuusuf, oo iminka ah xildhibaan, waxa ay sheegtay inaysan marnaba wax faa’ido ah ka raadin Shulman Rogers, islamarkaana aysan cadaadin madaxii hore ee Bankiga Somalia, oo arrimaha qaar laga xigtay.

“Shaqadeyda wasiir arrime dibadeed waxa ay ahayd inaan magaca Somalia wanaajiyo, ee ma ahayn inaan dhaawco” ayay tiri Fowsiya.

Sidoo kale Shulman Rogers, ayaa si xooggan u beenisay eedeymaha, waxaana ay sheegtay in shaqadii ay u qabatay Somalia ay ahayd mid loogu daneenayo dadweynaha Soomaaliyeed.

Jeremy Schulman oo ka tirsan Shulman Rogers, ayaa ku eedeeyey Jarat Chopra inuu isku haleeyo ilo-wareedyo aan la aamini karin, oo beel gaar ah oo Soomaaliyeed u dhashay.

Warbixinta cusub ee UN Monitoring Group waxa kale oo ay sheegtay inay jiraan qandaraasyo dhowr oo qarsoodi ah, oo hantida shacabka ay ku dhacayaan dad ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa qorshuhu ahaa in marka hantida ka xayiran Somalia lagu soo qaado magaca Somalia, qeybo ka mid ah loo weeciyo bankiyo shaqsiyeed” ayay tiri warbixinta.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee Somalia, Yusur Abraar oo bishii October ee 2013 is-casishay, ayaa sheegtay inay xilka ka tageyso, kadib markii lagu qasbay inay saxiixdo qandaraas lala galay Shulman Rogers, oo musuq maasuq ahaa.

Monitoring Group, ayaa iminka sheegeysa inay dib u raacday qaar ka mid ah eedeymihii Yusur, ayna ogaatay shirqoolo dhowr ah oo la qorsheeyey, si loogu soo furto hantida ka xayiran Somalia.

Mid ka mid ah waxaayabaha shakiga geliyey, ayay Monitoring Group ku sheegtay heshiis 5% hantida Somalia ka xayiran lagu siinayo shirkadda Shulman Rogers, marka ay soo furato, taasi oo dheeri ku ah heshiiska lacageed ee lala galay, iyo 6% oo ay u qaadan lahayd qarashaad aan la shaacin.

“Abraar waxa ay dareentay in qarashaadka aan la shaacin laga yaabo inuu ahaa heshiis ay min 2% oo ka mid ah 6% u qaadan lahaayeen Fowsiya Yuusf, Muuse Xaaji Maxamed Ganjab iyo Cabdi Casiis Xasan Giyaajo Camalo” ayay tiri Monitoring Group.

Si kastaba, qanadaraaska Shulman Rogers iyo dowladda Somalia, oo ay eegtay wakaaladda wararka ee Reuters meelna ugama qorna qodob ay Shulman ku qaadaneyso 6%, taasi oo warbixinta Chopra mugdi gelineysa.

Monitoring Group, waxa ay sheegtay in Camalo oo ah Somali-American iyo Muuse Ganjab ay la taliyayaal u ahaayeen dowladda Somalia, ayna u dhaxeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shulman Rogers.

Si kastaba, Camalo waxa uu sheegay inuusan wax xiriir ah la lahayn dowladda Somalia, islamarkaana uusan la-taliye u ahayn, hase yeeshee Muuse Ganjab, wax jawaab ah waa uu diiday.

Sida warbixinta ay leedahay, Yusur Abraar ayaa qodobka heshiis ee 6% kala hadashay madaxweyne Xasan Sheekh, una sheegtay inay ka walaacsan tahay.

“Madaxweynaha wuxuu Yusur u sheegay in Fowsiya, Ganjab iyo Camalo, ay si aad ah u shaqeeyeen ayna xaq u lee yihiin in 6% laga siiyo lacagta” ayay tiri warbixinta.

“Abraar waxa ay madaxweynaha ka codsatay inuu arrintan ka fiirsado, hase yeeshee waa uu u mahad celiyey, waxaana uu ka codsaday inay usii waddo aqrinta qandaraaska” ayay tiri warbixinta.

Abraar waa ay diiday inay saxiixdo qandaraaska, waana ay is-casishay, ugu dambeyntii.

Haddii waxaayabaha kasoo baxay baaritaanka ay run noqdaan, waxa ay caad ku dabooli doonaan madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay cabsi gelin doonaan dalalka deeqda bixiya oo ballaayiin dollar u ballan qaaday Somalia.

W/D: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online
Caasimada Online
Xafiiska Washington DC