XOG: Maxaa loo hakiyay kulamada BF Soomaaliya ee Muqdisho (Arrin cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii tiro ka labo jeer la weerarray xarunta baarlamaanka Soomaaliya,waxaa hakad uu ku yimid kulamada baarlamaanka taasoo uusan faah-faahin ka bixinta guddoonku.

Haddaba maxaa socda oo loo joojiyay kal fadhiyada BF?

Cismaan Cilmi Boqore waa xildhibaan muddo ka badan 14-sanno ku soo jiray xeendaabka baarlamaanka isagoo sidoo kale soo noday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Waa oday waayo arag ah oo wax badan u soo joogay oo saaban baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Boqore ayaa la weydiiyay sababta ay u hakadeen kulamadii baarlamaanka, wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo badan oo dad weynaha aanu ogsooneyn taasoo sabab u ah in kulamadii baarlamaanka ay baaqdaan.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay kala jabeyn oo qolo ay mucaarad ku tahay xukuumadda iyo madaxweynaha iyo qole kale oo aan arrintaas ku lug lahayn rabtana in kulamada baarlamaanka uu iska hadkado kuwaasoo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka.

Wuxuu sheegay oo kale in uu jirro khilaaf ka aloosan madaxda dowladda kaasoo sabab u noqday in ay baaqdaan kulamada baarlamaanka.

Wuxuu sheegay baarlamaanka maanta dhisan ay yihiin kuwii ugu ayaanka darnaa ee soo maray dalka tan intii uu baarlamaanka ka mid ahaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay noqdeen calooshood u shaqeystayaal aan ka fikirin mustaqbalka iyo dawga tooshan ee dalka.

Xildhibaanka ayaa odorosay sidda uu baarlamaanka u shaqeenaayo in aan lagu gaari karin doorasho xor ah oo ka dhacda dalka sannadka marka uu yahay 2016-ka, maadama sharciyo badan oo la rabay in ay meel mariyaan sannadkan uu dib u dhac ku yimid.

Isku soo duub waxaa muuqata in uu jirro dhaliilo badan oo loo soo jeedinaayo xubnaha baarlamaanka oo ah golaha sharci dajinta kuwaasoo matala shacabka Soomaaliyeed ee dhibka iyo qaxarka ku soo jiray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com