Xog laga helay kullankii SIILAANYO iyo Hailamariam Deselign + Daawo Video

Addis Ababa (Caasimada Online) – War-saxaafedeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselign ay yeesheen kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulanka ayaa looga hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga ay lee yihiin.

Waxaa kaloo la sheegay in ay ka hadleen arrimaha Soomaaliya iyo xiritaanka xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Markii kulanka uu soo dhammaaday ayaa madaxweyne Siilaanyo wuxuu la hadlay saxaafadda wuxuuna u sheegay in lagu guuleystay dhammaan qoddobaadii looga hadlay kulanka.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir qoto dheer la leh maamulka Somaliland waxaana ka dhaxeeya xiriir soo wadashaqeyn.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo dhammaaday kulankiisa ayaa la sheegay in uu u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com