Dhageyso Azhari: Cabdiweli dastuurka ayuu ka tallaabsaday, waana ku saxan yahay GENERAL SAACID diidmadiisa

Garoowe (CaasimadaOnline) – Wasiirkii hore ee Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) ayaa ka hadlay xilka qaadistii dhawaan uu ku sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudana Cabdiwali Sh Axmed taliyihii Ciidamada Booliiska Soomaaliya Mudane Jeneraal Cabdihakiim Daahir Siciid “Saacid”.

Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa ugu horey waxaa la weydiiyey sida uu u arko xilkaqaadista Jenaraal Saacid lagu suubiyey waxaana uu ku jawaabay.

“Habka xilka looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Saacid, horta sharciga ciidamada iyo sharciga shaqaalaha waxa ay qeexayaan qaab loo maro xil u dhiibida iyo xil ka qaadida qofka waxaa soo jeedinaya wasiirka ay shaqadaas qaabilsan tahay hey’adaas sida wasiirka amniga oo qaabilsan wasiirka amniga oo qaabilsan dhanka amniga marka uu soo jeedinayana waxa la keenayaa golaha wasiirada in ay ogalaadaan iyo in ay diidaan labaduba waa ay u banaan tahay”

Mudane Azhari oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.

“Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeytii leh xaq u leh in waraaq tixraac leh uu ku ogolaado ama ku diido xil u dhiibis ama xil ka qaadista qeynuunkana sidaas ayuu dhigayaa”

Mudane Azhari oo ka jawaabaya suaal ku saabsan xilwareejinta uu diiday taliyahii Booliiska Jenaraal Saacid ee xilka ka qaaday Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed waxa uu yiri.

“Sida igu maqaalo ah Jananku ma diidin xil wareejinta ee waxa uu taagan yahay sida xilka la iigu magacaabay xilka ha la iiga qaado oo ah in golaha wasiirada ay soo ansixiyaan kadibna madaxweynaha dikreeto uu ku soo saaro micnaha waxa uu yiri dekrooto ayaa xilka la iigu dhiibay dikreetaa xilka la iiga qaadi karaa”ayuu yiri

Mudane Azhari ayaa sidoo kale idaacada ka cadeeyey in uu ku raacsan yahay oo uu Jenaraal Saacid uu ku saxan yahay.

“Anigu hadii la fulinaya sharuucda oo la dhawraya qofka wadaniga xaquuqdiisa waxa ay ila tahay in Janaku uu ku saxan yahay oo lasoo maro habkii xilaka loogu dhiibay mahan waan ku magacaabay waana kaa qaaday ma ahan hab dowladeed oo dhaqan fiican”.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com