Daawo: Cirifka ugu danbeeya aduunka oo god weyn lagu arkay & yaab taagan

Siberia (Caasimada Online) – Baarayaal heer caalami ah ayaa doonaya in ay ogaadaan sababta ka dambaysa god weyn oo lagu arkay cirifka Waqooyi ee caalamka ee gobolka Siberia dalka Ruushka

Godkan oo uu arkay duuliye dayuurad helikobtar ah oo dul maraysay ayaa sawir laga soo qaaday waxaa lagu qiyaasay in uu ballaciisu gaaraya boqol mitir iyadoo aan la ogeyn halka guntiisa ay gaarsiisan tahay.

Wararka waxa ay sheegayaan in godkan oo laga arkay deegaan lagu magacaabo Yamal oo micneheedu yahay “Dhamaadka Dhulka” ayaa ka mid ah meelaha gaaska laga soo saaro.

Cilmi baarayaal ayaa la sheegay in ay Khamiista u baqooli doonaan godkaas si loo ogaado sababta godkaas uu halkaas uga qodmay.

TV Zvezda oo ay wasaarada gaashaandhiga Ruushka maamulo ayaa laga soo xigty in qofka soo qaaay sawirka godka uu aaminsan yahay in qarax gunta hoose ka dhacay uu sabab u yahay godkaas la yaabka leh oo aan noociisa oo kale hore loogu arag halkaas.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: