15 jir u geeriyootay ‘kufsi wadareed ay u geysteen’ ciidamo ka tirsan dowladda

Janaale (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xogta gabar 15 sano jir aheyd oo kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo tacadigii loo geystay dartiis ugu geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada Marka ee xarunta gobolkaas.

In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Janaale iyo rag kale oo aan askar aheyn ayaa la sheegay in kufsi wadareed ay Janaale ugu geysteen gabadhaas.

Guddoomiyaha deegaanka Janaale oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in hadda ay guddi u xil-saareen baaritaanka kiiskaas, isla markaana ay jiraan dad loo soo qabtay inay ka dambeeyeen falkaas.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Sahro Cali Maxamuud ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka oo loo geeyey in lagu dabiibo, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha deegaankii lagu dhibaateeyey gabadha ee Janaale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga gabadha kufsaday ay isugu jireen askar militeriga Soomaaliya ka tirsan iyo rag kale oo shacab ah oo ciidanka la joogay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in saacadaha soo socda ay shaaci doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay falkaas kufsiga ah iyo geerida gabadha.

Waxa uu sheegay in saraakiisha ciidmada xoogga dalka ee ku sugan Janaale iyo maamulka deegaanka Janaale ay iska kaa shanayaan baaritaanka kiiskaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii