Muxuu guddiga doorashada heer federal ka yiri tallaabada ay qaaday JUBALAND?

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal ayaa war kasoo saaray tallaabada ay qaaday Jubbaland ee ku aadan qabashada doorashada 14 kursi oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka, Axmed Safiino ayaa shaaciyey in Jubbaland ay guddigooda usoo gudbisay liiska kuraastaas, isla-markaana ay uga mahadcelinayaan, sida ay uga jawaabeen dalabkooda ku aadan in Jubbaland ay guda gasho doorashada Baarlamaanka.

“Guddiga Doorashooyinka Dadban SEIT ee Jubbaland ayaa inoo soo gudbiyay 14 kursi oo lagu dooran doono Kismaayo, waxa aan ugu mahadcelineynaa jawaab celinta ay ka sameeyeen codsigeenii ahaa in la dadejiyo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Safiina

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowlad goboleedyada kale oo uu ka dalbaday inay dardar-geliyaan doorashooyinka billowday ee ka socda dalka.

“Dowlad goboleedyada, guddiyada doorashooyinka, shacabka iyo dhammaan cid waliba oo daneyneysa doorashada waxa aan ka codsaneynaa in ay gacan naga siiyaan dardargelinta doorashooyinka nala shaqeeyaan,” ayuu markale  sii raaciyay afhayeenka guddiga FEIT.

Jubbaland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Si kastaba, tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa dalabkii Golaha Musharixiinta ee ahaa in la hakiyo doorashada inta laga xalinayo cabashada taagan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii