Xog: Mucaaradka ma waxaa hunguri ka galay xilka Rooble kadib kulankii Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Sabtidii kulan gaar oo qarsoodi ah la qaatay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sharma’arke oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa kulamo wada-tashi ah la qaatay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, wuxuuna la qabtay dhowr shaqo oo gaar ah.

Isaga iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aragti hordhac ah ka keenay habka loo sameyn karo Gole Qaran haddii la joojin waayo doorashada boobka ah, taasoo loo qeebiyey xubaha Midowga Musharaxiinta si ay dood xooggan u geliyaan.

Cumar Cabdirashiid, wuxuu kadib kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, kulankaan oo la sheegay inuu ka yimid dhanka Madaxweyne Farmaajo kama marna inuu Cumar Cabdirashiid aaminsanaa in haddii maamuladii doorashada wada boobayaan in la raadiyo dariiq kale oo awoodda ugu soo laaban karto siyaasiyiinta la yaqaano ee heer federaal.

Si kale markii loo dhigio habka awoodda iyo loolanka loogu soo koobi karo Farmaajo iyo mucaaradka la yaqaano.

Kulankii Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid kadib, waxaa soo baxay warar xooggan oo sheegaya in mucaaradku rabaan in doorashadaan boobka ah la joojiyo, awoodana laga soo celiyo maamul goboleedyada, iyaga iyo Farmaajana toos u macaamilaan.

Balse dhinaca kale, xubno ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxay qabaan in mucaaradka Farmaajo kala hadleen in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu mucaaradka siiyo, laba sano oo cusub iyo hannaan doorasho oo maamulada daciif ka yihiina laga wada-hadlo iyadoo la tirtirayo dhammaan xubnihii kusoo baxay doorashada boobka ah loona laabanayo ama lasoo nooleenayo baarlamaankii 10-aad.

Mucaaradka sida muuqata hadda waxaa Farmaajo uga daran madaxda maamul goboleedyada dalka. Haddaba markii uu warkaan soo baxay kadib waxaan la xiriirnay qaar kamid ah madaxda mucaaradka si aan uga waydiino waxa ka jira inay gorgortan Ra’isiul Wasaare miiska keeneyn.

Xubnaha aan la hadalnay waxay sheegeen in maadaama uu Rooble awoodi waayey inuu cabashadooda xaliyo, maamuladiina diideen shirkii, doorashadiina in la boobayo ay caddahay ay dareemeen inuu jiro xal kale oo sheegaya mucaaradka iyo Farmaajo maxay wada qabsan karaan hadda?

Mucaaradka ma xaqiijin mana beenin in lagu gorgortamayo madaxa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo laabanayo baarlamaankii 10-aad, doorashada socotana laga dhigayo waxba kama jiraan.

Xubnaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo iyaguna aan la hadalnay arrintaan si weyn ayey uga walaacsan yihiin. Markii hore loolanka doorashada iyo midka siyaasadduba wuxuu u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka, laakiin hadda labadiiba waa laga xoog badiyey meeshiina waxaa qabsaday madaxda maamulada.

Waxaa cad in waqti dheer kadib uu hoggaankii siyaasadda isbadal qarka u saaran yahay oo awoodii ay aaday jiho kale oo aan waxba xeerineyn waana ragga hormuudka u ah gobolada Dalka.

Sida qura ee awoodda ay deg degg ku heleen looga dhigi karo hoggaamiyaasha gobolada waa inay Farmaajo iyo ragga kasoo horjeeda keenaan dood tii hore mid ka duwan, ayey leeyihiin dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa la filayaa inuu qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta kala hadlo wixii uu Farmaajo kala soo kulmay, balse guuxa ah in dariiq cusub la furo oo wiiqi kara awoodda madaxda gobolada waxaa la sheegay in xitaa Farmaajo uusan diidaneyn.

Sida loo furayo dariiqaas, mucaaradku inay isku fahmi karaan sharci ahaanshaha arrintaan iyo in la heli karo doorasho kale oo heshiis lagu yahay waa mid u baahan sharaxaad kale iyo faham dheeri ah.

Haddii ay cadaato inay mucaaradku qabaan in Rooble la bixiyo lana keeno ra’iisl wasaare cusub lagana doodo hannaan doorasho oo ka duwan midkaan boobka ah, dalku wuxuu geli doonaa xaalad kale oo aan dhammaadkeeda la aqoon.

Waxaa kaloo la hubin inay madaxda mucaaradka isku raaci karaan in Farmaajo lala heshiiyo, Ra’iisul Wasaare laga qaato oo ballan lala yeesho.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Rooble aad ayey usii kala fogaadeen maalmahaan dambe, sababta waxaa lagu sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha ka cudur daartay inuu doorashada joojiyo.

Rooble wuxuu qabaa in doorashadu socoto lana xaliyo cabashada mucaaradka, balse taas ma ogola mucaaradka, wax walba ayaana iska badali kara siyaasadda Soomaaliya xilligan la joogo.

Joogitaanka Cumar Cabdirashiid ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sababi karta inay xaaladdu u dhammaato meel aan la fileyn maadaama uu labada dhinacba u furan yahay uuna awoodo inuu wax u kala sarifo labada dhinac.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii