Daawo: Cabdinuure Siyaad: Haddii aan la dooran Jeneral Indha-Cadde wallaahi meel…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuure Siyaad oo hadal ka jeediyey madal uu Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ku shaacinayey inuu yahay musharax xildhibaan ayaa ku goodiyey in hadii Indha-Cadde kursiga loo diido aysan meel fadhi doonin.

Cabdinuure Siyaad ayaa sheegay in dalku uu dayacan yahay, isla markaana aysan hadda kadib indhaha kasii fiirsa doonin, muhiimna ay tahay in la doorto dad wax ka bedeli kara xaaladaan.

“Jeneraal Indha-cadde waxaan banaanka u keenay oo aan u codsanay inuu is sharaxo in badbaadada dalkaan uu ka qeyb qaato, marka waxaan u soo jeedineynaa beesha iska leh kursiga Indhacadde inay codkooda siiyaan,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad.

Sidoo kale siyaasigaan ayaa sheegay in xildhibanadii hore ee beeshaan aysan waxaba u qaban reerkooda, isla markaana hadda loo baahan yahay in la helo is bedel deg deg ah.

“Waxaan beesha ka codsaneynaa in Sheekh Yuusuf Indhacadde kursiga lala raadiyo oo ergada laga dhaadhiciyo, hadii taas la diido oo kursiga uusan soo helin, walaahi meel fadhi meynee ogaada, sida dayaca ah ee dalku ku sugan yahay wax la fiirsan karo maaha, dayacaadaan waxaa dalka looga saari karaa in la doorto dad macna leh oo wax qaban kara,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Hoos ka daawo