Khilaafka Sheekh Shariif iyo Midowga Musharaxiinta oo banaanka usoo baxay kadib tallaabo uu qaaday xisbigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qaaday tallaabo banaanka soo dhigtay khilaafka madaxweynihii hore kala dhaxeeya xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharaxiinta, maalin kadib markii ay xogtan shaacisay Caasimada Online. 

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

Hase yeeshee, muhiimadda ma aheyn kulanka ee waxa looga hadlay, waxaana xisbiga qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka.

“Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasi oo saldhig u ah hor-u-socodka Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Himilo Qaran.

Dalabka xisbiga ee ah in doorashada lasii wado iyo hanjabaadda la daba dhigay, waxay si cad uga hor-imaneysaa mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee uu hoggaamiyo Shariif ee ah in doorashooyinka dalka la joojiyo. 

Caasimada Online waxay shalay qortay in Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya uu ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay habeen hore ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa.

Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho.

Shariif markii hore wuu qabay in doorashada la hakiyo oo la saxo khaladaadka, balse wuxuu kasoo horjeeday talalabooyinka kale ee golaha Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee tallaabada uu xalay qaaday xisbigiisa iyo warka ay soo saareen waxay astaan u yihiin inuu sii durqay.

Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka.

Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii