15 muwaadin oo u dhashay Kenya oo lagu adoonsado Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 15 Nin oo Kalluumeysato Kenyaan ah xoog lagu kaxeystay islamarkaana u shaqeeyaan Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Soomaaliya.

Guddiga Kalluumeysatada Kenya ayaa sheegay in Shan iyo Tobanka Nin gacanta lagu dhigay, si qasab ahna lagu shaqaaleeysiiyay iyaga oo aan la siinin wax lacag ah.

Betty Makena, oo ka mid ah Guddi u dooda xuquuqda Kalluumeysatada Kenya ayaa sheegay in kooxda Doonta saaran ee Soomaalida ah ay hubeysanyihiin islamarkaana sida addoonta oo kale ugu shaqeystaan  Kalluumeysatada Kenyaanka ah.

Mr Betty, ayaa sheegay in shaqaalaha Kenyaanka ah ay ku jiraan halis looba baahanyahay in la soo badbaadiyo isaga oo ugu baaqay dowladda Kenya in ay qaaddo tallaabo lagu badbaadinayo.

Wuxuu intaas kusii daray in muwaadiniintaan lagu shaqeysto saacado badan Maalintii haddii ay diidaan  loo adeegsado cabsi gelin, maadaama dadka ku shaqeysto ay hubeysan yihiin.

Ma’uusan sheegin halka lagu hayo, meesha laga qabsaday iyo waqtiga la qabsaday toona,hayeeshee waxaa uu warbaahinta Kenya u xaqiijiyay dhacdadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com