19 Sirrood: Qofka Soomaaliga waxa uu ku wacan yahay sabool (Aqri sababta)

Qofka Soomaaliga ah haday u suurtoobayso wuxuu jeclaan lahaa: Inuu ku boobbo, khasab diintaada kaaga saaro – tiisana uu kugu dirqiyo, beertaada inuu xoolahiisa daajisto, geeliisa aad u raacdo, dalkaaga inuu qayb-goosto, Haddaba sidaynu dadka noocaas ah sharkooda kaga badbaadi karnaa?

Markoodii horeba waxay u dhasheen qalafsanaan, madax-faluuq, islawaynaan-been ah & xoolo-raacnimo. Waxayna ku sii darsadeen Muslimnimo xagjir ah & argagixisonimo. Inaguna waxaynu nahay dad deggan, nabad-jecel oo beeraleey ah. Sidaas darteed, waxaynu sharkooda kaga badbaadi karnaa inay ahaadaan b)sabool joogto ah, t) dad aqoontu ku yar tahay, iyo 3) inay cadaw isu wada noqdaan.

Haddaba, si hadafkeena sare looga miro dhaliyo waa in:

1-La dhiso sirdoon xooggan oo meel kasta oo dhexdooda ah xogta ka soo ururiya.
2-Macluumaadka aynu soo helo oo la habeeyay iyaga lagu kala qaybiyo.
3-Lagu fuliyo dilal qarsoon waxgaradka si loo tuhmo xagjirka & qabiilooyinka kale.
4-Lacag & xog-been ah la siiyo websiteyada isku-dirka & borobagaandada fidiya.
5-Kuwa wax laga dillay la siiyo cadaymo been ah in cadawgoodu sidaa falay.
6-Kooxuhu markay dagaalamaan la isu tuso in ayanu dhexdhexaadintooda rabno.
7-Cidda laga adkaado la siiyo waxoogaa hub fudud ah, si la isugu dheeli tirto.
8-Maamulada dakadaha lagu furo jabhaddo aan tamar lahayn oo lagu waabsan karo.
9-Aan la ogolaan inay kooxina si dhab ah uga adkaato kooxaha kale.
10-Iskaashi buuxa lala sameeyo hay’adaha caalamiga ah ee aynu isku danta nahay.
11-La xaqiijiyo in aanay hirgelin mashaariicda saboolnimada lagaga baxo.
12-La kaashado OPEC si aan loo soo saarin khayraadkooda gaar ahaan shidaalka.
13-Madaxda burcad badeedda & xagjirka loo gudbiyo xog ay ku badbaadi karaan.
14-La taageerro af-hayeenada beelaha iyo odayada-colaad-oogayaasha ah.
15-Colaaddo & khilaafyo joogto ah laga abuurro gobolada ku haboon saraca beeraha.
16-Madaxdooda loo kala gudbiyo xoggo hoose oo la naax-naaxiyay si kalsoonidu u lunto.
17-Dawlada dhexe loo tuso ninka wadaniga ahi inuu xiriir la leeyahay xagjirka.
18-Taageerro loo fidiyo kuwa aan danaheena lidiga ku ahayn ee saaxiibadeena ah.
19- Xiriir dhaw lala samaysto hay’adahooda sirdoonka & nabad sugidda si loo marin habaabiyo.

Waxaa Soo Dheegtay: Axmed-Assad
Kala soco: facebook: Axmed.Assad, twitter: @AxmedAssad, Axmedy98@yahoo.com, Facebook.com/Muritsoor

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid