4 qodob oo ay dowladda Soomaaliya la hortageyso wadahadallada Somaliland

Waxaa marxalad cusub galayo wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, ka dib markii ay Magaalada Djabuuti isku arkeeen Waftiyo ka kala socday Labada dhinac, Kuwaas oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Wadahadalo dheer ka dib, waxa ay labada dhinac isku raaceen qodobo lix ah oo aan ka xusi karo, in markan si toos ah loo gudagalo ka hadalka arimaha masiiriga ah sida midnimada iyo wadajirka. Sida lagu xusay war-saxaafadeedkii ka soo baxay Shirka, Waxa ay labada dhinac marka kale kulmi doonaa bisha Feebaraayo ee Sanadka soo socda, Iyadoona markaasi laga wadahadli doono arimaha waaweyn ee masiiriga ee u dhaxeeya labad dhinac.

Shirkan, ayaa la dhihi karaa waa Shirkii ugu fiicnaa ee dhexmara labada dhinac tan iyo markii la soo bilaabay wadahadalan maxaa yeelay waa marka koowaadee waa Shirkii ugu ballaarnaa, islmarkaana lagu qabtay Magaalo Soomaaliyeed. Allow Soomaali midee, midda kale sow horta lama joogo waqtigii ay midnimo ka wadahadli lahaayeen dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti si ay xaqiijiyaan aragtidii ahayd Soomaaliweyn ? Insha alaah qormadeyda danbe waxaan kaga hadli doonaa qodobkaasi qiimaha badan

Labada dhinac waa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, ayaa midba dhinaciisa dano weyn ka leh wadahadaladan, tusaale ahaan Dowladda Federaalka waxa ay dooneysaa in ay ku qanciso Maamulka Somaliland in ay dib ugu soo noqdaan xeyndaabka midnimo, Islmarkaana ay ka mid noqdaan Soomaaliyada cusub halka Maamulka Somalilandna uu doonayo in uu ka madax banaanaado Soomaaliya inteeda kale !

Inkasta oo uu og yahay Maamulka Somaliland, in aysan Dowladdu Federaalku marna ogolaaneynin in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka hadana waxa ay isku dayayaan in ay khiyaameeyaan dhinac kale, Iyagoo isticmaalayo Farsamooyin lagu kala jar jaray dalal ay ka mid tahay Sudan. Siyaasiyiinta hogaamisa Maamulka Somaliland, ayaa u badan rag rukcadaa ah oo in badan ku soo jiray Siyaasadda,Islamarkaana leh aqoon fiican halka dhinaca kale ay horboodayaan dad aan sidaasi u khibrad badneyn balse niyad fiican.

Maamulka Somaliland, ayaa runtii waqti badan ku bixiyey, sidii uu uga miradhalin lahaa gooni-isutaagga uu ku dhawaaqay dhowr iyo labaatan Sano ka hor, Isagoo garaacay albaab kasta oo uu u arkaayey in uu caawin karo qadiyaddiida gooni-isutaagga laakiin nasiib wanaag lama helin cid tiraahda welcome,taasna ilaah baa ku mahadsan. Anagana,Waxaan maanka ku haynaa Soomaaliweyn Iyagana waxa ay rabaan in ay sii kala jaraan intii yareyd.

Markii ay ku soo guuldareysteen in ay helaan cid aqoonsato, ayaa waxaa lagula taliyey waa sida aan isleeyahaye, in ay isticmaalaan farsamadii lagu kala jaray dalka Sudan, taas oo oreneysay in marka hore wadahadlaan dhinacyada ay wax ka dhaxeeyaan, ka dibna ay ku heshiiyaan maamul wadaag, ka dibna la qabto afti dadweyne. Yaa u sheega in Midnimada Soomaaliya tahay Muqadas lama taabtaan.

Dowladda Sudan, ayaa ku dhacday Shirqool ay u maleegeen dalal ay ka mid yihiin Masar,Itoobiya iyo Keny, Kuwaas oo markii hore iska dhigaayey dhexdhexaad balse hoos kala shaqeynayey dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey dalka Sudan.Dalalkan ayaa khiyaameeyey dalka Sudan ka dib markii ay u soo gashteen Sharar sida mid carbeed,mid afrikaan iyo waliba mid goboleed sida Igad oo kale. Farsamadan ayaa laga yaabaa in ay maanka ku hayaan Siyaasiyiinta Somaliland waaba haddi laga yeele

Maadaama ay wadahadaladu galayaan marxalad cusub xasaasi ah, Hadaba maxay Dowladdu Federaalku la tagaysaa kulamada soo socdo ? Anigu waxa ay ila tahay in ay Dowladdu la tagto qodobada soo socdo, oo runtii aan isleeyahay waa kuwa laga iibin kara Maamulka Somaliland iyo waliba taageerayaashiisa, si ay uga tanaasulaan gooni-isutaaggii ay ku dhawaaqeen :-

1-In ay Dowladdu u xilsaarto wadahadaladan inta ay socdaan guddi heer qaran ah,Kaas oo ay xubo ka yihiin dhamaan Goloyaasha Dowladda, iyo waliba Shaqsiyaadka qiimaha ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda sida Sheekh Maxamed Idiris oo kale.

2-In ay Dowladdu u soo bandhigto Maamulka Somaliland in ay ka tanaasulaan gooni-isutaagga, islamarkaana ay ku soo biiraan hanaanka Federaalka ee dalka ka jira, Iyadoo sidiisa loo aqoonsanayo Maamulka Somaliland ee hadda jira iyo xuduudadiisa.

3-In ay qaataan jagada ra’isulwasaaraha iyo qeyb ka mid ah golaha wasiirada, inta laga helayo dowlad rasmi ah oo ay soo doortaan Shacabka Soomaaliyeed.

4-In ay ku soo darsadaan Baarlamaanka hadda jira ugu yaraan 60 xildhibaan,Kuwaas oo laga soo kala xulay dhamaan beelaha wada dego deegaanadaasi haday ahaan lahayd Khaatumo,Awdal,Waqooyi Galbeed iyo Togdheer iyo In ay qeybtooda ka qaataan sameynta dastuur cusub oo uu dalku yeesho.

Haddii ay diidaan qodobadaasi loo soo bandhigay oo ay ku adkeystaan qadiyaddooda gooni-isutaagga ah, markaasi waa in lala xisaabtamaa, islmarkaana lala dabaaqtamaa, Iyadoo la sameynayo qodobada soo socda:-

A-In ay Dowladdu aqoonsato,islamarkaana ay wax kasta ku taageerto Maamulada Khaatumo iyo Awdal State si ay u qabsadaan gobolada kala ah Sool,Sanaag,Cayn iyo Awdal,taas oo haddii ay dhacdo ka dhigan in uu Maamulka ku soo koobmayo labo gobol oo kaliyah.

B-in laga jaro gargaarka iyo waxyaabaha ay ka helaan dowladaha Caalamka, Iyadoo la isticmaalayo saameynta iyo xiriirka ay Dowladda Federaalku la leedahay dalalka caawiya Maamulkaasi,taas oo haddii la helo ka dhigan cunaqabateyn dhaqaalo oo ku qasbi karta in uu tanaasulo balse waxaan rajaynayaa inaanba heerkaasi la isla gaarin oo ay midnimo qaataan

Anigu, markaan fiiriyey xaaladda uu ku sugan yahay Maamulkan, iyo waliba mowjadaha kaga soo socada gobolada Sool,Sanaag iyo Awdal,Waxa ay iila badan tahay runtii in ay aqbalayaan wax alaale iyo wixii loo soo bandhigo waayo awood uma hayo uu ku maareeyo taxadiyo sidaasi oo kale ah, taas waxaaba ka daran xilaafaadka ka dhex aloolsan gudihiisa. Midda kale sow ma’ahan in ay garwaaqsadaan walaalaheena reer Somaliland xaqiiqda jirta ee ah in ay meesha ka baxday Dowladdii dhibkan geysatay ayna sidoo kale jiraan dhibanayaal kale.

Gaba gabadii, waxaan ku boorinayaan dhamaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka ka jira, in ay soo afjaraan khilaafyadan macno-darada ah si loo helo dal mid ah, Islamarkaana degan. Waxaan leeyahay mar kale, waa in xal loo helaa dhibaatadan dabadheeratay ee qeyrkeena naga reebtay.war hooy ha la fiiriyo hooyooyinka iyo caruuraha ku silacsan dinida dacaladeeda. Alla maxaa taariikh qormeyso

Ugu danbeyntii,Waxa aan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka iyo hogaankeeda talooyinka soo socda si ay wadahadaladu u guuleystaan,Islamarkaana ay uga soo baxaan wax lagu farxo.

1-In la dhiso guddi heer qaran oo ay xubno ka yihiin raggii soo bilaabay wadahadalan sida C/kariin oo kale iyo waliba Shaqsiyaadka sumcadda ku leh Bulshada dhexdeeda sida Sheekh Maxamed Idiris oo kale.

2-In aanan marna la ogolaanin in ay dalal kale wax ka dhexdhaxaadiyaan wadahadalada xitta Jabuuti, waayo Jabuutida maanta ma’ahan Jabuutidii hore.

3-In wadahadalada laga fogeeyo dalalka Igad, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waayo labadan wadan, waayo kuwii masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacday dalkan.

Wixii dhaliil ama talo ah, waxaan diyaar u ahay inaan qaato

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid