Dhageyso Axmed Madoobe: Waa nalagu qasbay

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Islaan Madoobe hoggaamiyaha Jubbaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in go’aanka madasha wadatashiga uu ahaa mid lagu qasbay. Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka aay ka heshay taageero toos ah beesha caalamka sida Caasimadda Online aay idiin soo gudbisay ka hor go’aankii madasha (Halkan Ka Akhri)

Axmed Madoobe ayaa saxaafadda kula hadlay markii uu gaaray magaalada Kismaayo, isagoo hadaladiisa aay ka muuqatay caro. Waxaa uu yiri “Aniga beesha caalamka waxaan u sheegay ka masuul ahaan kulligeen aay fashilanay” Waxaa uu intaa hadalkiisa ku daray in loo sheegay haddii aad tashan weyseen waa leydiin talin”

Xigasho Codka: VOA
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/madoobe.mp3″]

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com