2 musharax oo doorashada Jubbaland ka tanaasulay

Kismaayo (Caasimada Online) – Labo musharrax oo ka mid ahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka doorashada ee maamulkaasi.

Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo ka mid ahaa musharraxiinta garabka taageersan Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in ay ka tanaasuleen gabi ahaan tartanka doorashadaasi.

Musharraxiintan oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay sababaha ay uga tanaasuleen doorashada oo ay markii hore isku soo sharraxeen.

Musharrax Cabdi Xiis ayaa sababta uu ku tanaasulay ku sheegay inuu xeeriyey xaaladaha ka jira Jubbaland iyo dalab uga yimid beeshiisa.

Sidoo kale musharrax Axmed Cabdi ayaa isna shaaciyey inuu u tanaasulay sababo isaga u gaar ah iyo danta shacabka kudhaqan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa goor dhow hoolka doorashada ka bilowday hadal jeedinta musharraxiinta, iyadoona khudbadaha ku aadan waxqabadkooda ay jeedin doonaan illaa afar musharrax oo ka mid ah kuwa sanadkan kuu loolamaya hoggaanka Jubbaland

Doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa Khamiista soo socota, balse waxaa weli jira is qab qabsi u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
caasimada@live.com