CC Shakuur oo su’aal adag ka keenay qorshaha DF ee doorashada Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Siyaasiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay dadaallada iyo qorshaha ka socda magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhisayo Galmuudug oo loo dhan yahay, isagoona su’aal adag ka keenay qorshaha ay dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay doorashada maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore ka digay in la dhiso maamul maqaar saar ah oo olole siyaasadeed lagu gaaro doorashada 2020/2021, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay Galmudug loo dhisayo dadka deegaanka, taas oo ka shaqeyneysa horumarka iyo nabad gelyada deegaanka.

“Howsha la qaban doono ma mid lagu dhisayo Galmudug baa, mise waa mid doorasho lagu galayo sanadka 2020, sanadkii 2015 markii la dhisayay Galmudug waxaa loo dhisay doorashada 2016, dadka oo dhan waa ogaayeen, annaga ma rabno tii oo kale, oo ah Galmudug loo dhisayo doorashada 2020, waxaa rabnaa Galmudug loo dhisayo deegaanka”ayuu yiri siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu weli muran ka taagan arrimaha Galmudug, gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com