Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Itoobiya oo dagaal qorsheeneysa (Xog)

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeysay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubaland oo taagero ka helaya Kenya, kadib markii shalay garoonka diyaaradaha loo diiday diyaarad Itoobiyaan ah.

Diyaaraddaas ayaa waxaa saarnaa saraakiil Itoobiyaan ah iyo qalab la rabay in garoonka lagu rakibo si ay usoo degaan qaar ka mid ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka magaalada, kuwaas oo yimid dibedda garoonka balse kadib iska noqday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya maanta la filayo in taliyaha guud ee ciidamada Amisom Tigabu Yilma, oo Itoobiyaan ah uu soo gaaro magaalada Kismaayo, si arrintan looga gaaro xal kama danbeys ah, waxaase jirta cabsi ah in diyaaraddiisa laga yaabo in diyaarad kale oo Itoobiyaan ah ay kusoo deba xirato lana soo degto.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya ay ka go’an tahay inay qabsadaan garoonka, kadibna awoodda ka tuuraan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayagoo awood adeegsanaya.

Waxaa u jirta cabsi xooggan oo ah in ciidamada Itoobiya ee duleedka Kismaayo ku sugan oo gaaraya 400 oo askari ay weerar kusoo qaadaan garoonka, awoonda kula wareegaan.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay, in Itoobiya oo taageeraya dowladda, ay ka go’an tahay inaysan doorasho madaxweyne ka dhicin Kismaayo, haddii xitaa ay ka dhacdana uusan Axmed Madoobe xukunka sii joogin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Kenya aysan dagaal la geli doonin ciidamada Itoobiya, haddii ay weerar soo qaadaan, ayaga oo ag inaysan u babac dhigi karin.

Dhinaca kale, garoon macmal ah oo ku yaalla duleedka Kismaayo, oo laga cabsi qabay inay soo caga dhigato diyaaradda Itoobiyaanka ah ee shalay la celiyey, ayaa xalay la sheegay inay carro ka buuxiyeen ciidamada Jubaland, si aysan halkaas uga degin.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana suurta-gal ah in magaalada dagaal ka dhaco ka hor doorashada madaxweynaha Jubaland oo dhaceysa 22-ka bishan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com