Xiisada ciidamada Kenya iyo ITOOBIYA ee magaalada Kismaayo oo xoogeysatay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Xiisadan ayaa ka dhalatay, kadib markii uu shalay fashilmay qorshe ay ciidamada Itoobiya ku degi lahaayeen garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamadaasi haatan laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka cabsi qabaan in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi.

Dhanka kale wafdi uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Tigabu Yilma oo u dhashay Itoobiya ayaa saacadaha soo scoda ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu farogelin doono xiisada ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka wada tirsan howlgalka AMISOM, si xal looga gaaro.

Sidoo kale wuxuu kala hadli doono saraakiisha Kenya iyo kuwa Jubbaland in loo ogolaado in Kismaayo ay ka degto diyaarad u socota ciidamada Itoobiya, taas oo la sheegay ay saaran yihiin askar Kumaandoos ah oo ka socda dalka Itoobiya

Dhaq dhaqaaqyadan ciidan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Khamiista soo socota la filayo in ay dhacdo doorashada madaxaweynaha maamulka Jubbaland.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com