2 nin oo kufsi ka geystay degmada WARSHEEKH oo gacanta lagu soo dhigay

Warsheekh (Caasimada Online) – Xoghayaha maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Mudane Cabdulaahi Raage Colow ayaa ka warbixiyey howlgal lagu soo qabtay rag la sheegay inay xalay kufsi ka geysteen degmadaasi.

Colow oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo lagu eedeeyey kufsi haweeney Warsheekh loogu geystay.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in ragga la soo qabtay ay ka mid ahaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin ka waday magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qabashada raggan ay gacan ka geysteen dadka shacabka ah, islamarkaana uu mahadcelinayo.

Ugu dambeyn xoghayaha ayaa carabka ku dhuftay in ay sharciga la tiigsan doonaan ragga la soo qabtay, islamarkaana ay marin doonaan ciqaab adag.

Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku badan yihiin kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi ayaa inta badan dhibaatooyin u geystay dadka safareyda ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.