20 sano kadib baarlamanka iyo xildhibaanada ma baaluqin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay kulankii shalay ee Xildhibaannada labada Aqal e Baarlamaanka ay ku lahaayeen, kaasi oo lagu kala kacay, kadib markii uu buuq xoogan uu hareeyay hoolka ay ku shiraayeen xildhibaannadu.

Cosoble ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay hab dhaqankii shalay ee Xildhibaannada Baarlamaanka, isaga oo su’aal galiyay isbeddelka hab dhaqan ee baarlamaanka 20 sanno kadib.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaad moodaa in xildhibaanaada la yiri waxaad xildhibaanno u tihiin inaad caqabad ku ahaataan dowladda. Yaa fikirkaa khaldan ka dhaadhiciyay xildhibaanada? Ayagaaba ka soo horreeya kuwa diidan inuu dalka hore u socdo.

Xildhibaanka wuxuu la mid yahay askariga taraafikada ah ee waddada taagan firimbigana sita.

Askariga taraafikada waxaa laga rabaa inuu gaadiidka kala socodsiiyo oo aaney waddooyinka jaam noqon. Balse hadduu inta adeegsado firimbiga oo uu isku xayiro gaadiidka, magaalada dhamaanteed ayaa isku xayirmeysa dadkana ma shaqeysan karaayaan.

Xildhibaannada baarlamaanka maanta wexey la mid ahaayeen taraafiko gaadiidka dhammaantii qoorta isu gelinaya.

Maxaa ku jaban in akhrinta 1aad la mariyo miisaaniyadda kadibna lagu xijiyo xisaab-xirka? Markey mid ka baxaan miyaaney midda xigta ka howl geli karin?

Dhanka kale, baarlamaanka iyo xildhibaannada 20 sano kaddib ma baaluqin miyaa?
Wexey aheyd sannadkii 2005 markii annagoo ah xildhibaanno aanu Nairobi hoteel gudihii kuraas isla dhacnay oo daqarro iyo dhaawac badan isu geysannay annagoo awoodna inaan cod ku kala baxno.

Maanta waxaan daawaday xildhibaanno ka soo istaagay fadhigoodii oo soo wada aaday shir guddoonkii.

Miyaaney ka xishooneyn ummadda ay wakiilka ka yihiin ee daawaneysa? Tilmaanta ay bixinayaan sow ma aha in markaad wax diidan tahay in fowdo la kiciyo? Miyaaney ilaalineyn shuruucda u qoran? Miyaaney cod laheyn? Baroorta orgiga ka weyn!