Ciidamada Beesha Waceysle oo la wareegay Ceeldheer iyo Mesagawaa, soona dilay…

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Waceysle ayaa galabta weerarro culus ku qaaday magaalooyinka Ceeldheer iyo Mesagawaa ee bariga gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa dagaal kala kulmay Shabaab-kii joogay deegaanka Mesagawaa, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidanka Macawiisley ee beesha Waceysle ayaa hub ka furtay kooxda, waxayna kala wareegeen magaalada Mesagawaa, inkastoo Maqribkii ay dib u gurteen oo caawa ay joogaan deegaan lagu magacaabo Cige oo koonfur ka xiga Mesagawaa.

Ciidamadaan maanta waxay ku hormareen degmada Ceeldheer, iyagoo si nabad ah kula wareegay magaaladaas oo wax Shabaab ah oo ciidamadu ay iska caabin kala kulmeen aysan joogin.

Labo toddobaad gudahood waa markii labaad ee ciidanka Macawiisleyda Waceysle ay weerareen degmada Ceeldheer, iyagoo halkaas ku dilay madaxii Shabaab-ka ee degmada Ceeldheer, iyagoo horjooge kalena nolosha ku soo qabtay.

Wixii ka dambeeyey markii sida gaadmada ah ay ciidamadu u weerareen Ceeldheer maalmo ka hor, waxaa isaga cararay xubnihii ka joogay kooxda Al-Shabaab, waxayna Ceeldheer noqotay magaalo haawaneysa.

Labo maalmood ka hor waxaa la sheegay in Shabaab ay degmada Ceeldheer ka afduubteen wiil iyo aabihiis, kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada, waxaana la sheegay inay la aadeen dhanka deegaanka Cowsweyne.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ee galabta gudaha u galay Ceeldheer iyo Mesagawaa ayaa warbaahinta u sheegay inay sii wadayaan howlgallada oo deegaano hor leh ay sii gaari doonaan.

Saraakiisha ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan hubka ay maanta ka furteen kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxay xog ka bixiyeen halka ay aadeen Shabaab-kii isaga cararay Ceeldheer iyo Mesagawaa, deegaanka Cowsweyne ayey sheegeen inay isugu tageen.