20 Somali mukhalasiin ah oo Italy lagu xukumay

Italy (Caasimada Online) – Maxkamada magaalada Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa isniintii shalay xukun ku riday 20 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Talyaaniga, kadib markii lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin dadka dhalinyarada tahriibka ku dhiiri geliya, waxaana lagu xukumay xukun xabsi ah.

Xeer ilaalinta Catania ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay xubno ka ahaayeen koox isku xiran oo dhaqaalo badan ka qaadan jiray dadka tahriibka ee ka tagi jiray Kenya iyo Soomaaliya si ay u kala baraan Talyaaniga.

Sidoo kale waxay tahriibayaasha ka caawin jireen iney sii wataan safarkooda iyaga oo u tilmaami jiray halka ay ka gali karaan Sweden iyo waqooyiga qaarada Yurub.

Dhamaan tirada dadka maxkamada ay xukuntay ayaa gaaraya 42 ruux kuwaasi oo kooxda ka mid ahaa, kuwaasi oo la shaaciyay iney ka howlgali jireen gudaha dalka talyaaniga si dadka ay uga sii tahriibaan Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa tan iyo sanadkii 2014 xeebaha dalkiisa ka badbaadiyay inka badan 200,000 oo tahriibayaal ah, waxaana badankood ay magan galyo ay ka heleen dowlada Talyaaniga.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon, ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi iyo madaxa siyaasada arimaha dibada Yurub ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dadka African ah ee ku dhamaanaya xeebaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.

Laakiin ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa sheegay in taasi ay dhibaayo ku keeni karto dunida oo kaliya aysan saameyn doonin wadan gaar ah oo uu kala jeeday dalkiisa Talyaaniga.

Caasimada Online
Xafiiska Talyaaniga
Caasimada@live.com