40 Soomaali ah oo ku geeriyooday duqeymo ka dhacay Yemen (Dhageyso wareysi naxdin badan)

Sanca (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Sanca ee dalka Yaman ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ku dhinteen duqeyn diyaarada dagaalka u geysteen qaxooti  ku sugnaa dalka Yemen.

Qaxootigan la laayey ayaa kusii jeeday Xeryo Qaxooti ah oo ku yaalo gudaha dalka Yemen.

Ilaa iyo hadda war kama soo bixin, Dowladdaha Soomaaliya, Yemen iyo xitaa Hay’adda Qaramada Midoobey.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dadka Soomaalida ahaa  ee ku dhintay duqeymihii ka dhacay dalka Yaman ay u badnaayeen qoysas wada socday.

Midkamida dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Sanca ee Dalaka Yaman ayaa sheegay in Afar Caruur ah oo uu dhalay, Xaaskiisii iyo wiil la dhashay ay ka mid ahaayeen dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay duqeyntii loo geystay gaari ay saarnaayeen oo u socday Magaalada Sanca si ay uga sii baxaan.

Waxa uu sheegay in hal qof oo keliya uu ka badbaaday dadkii Soomaalida ahaa ee saarnaa gaariga la duqeeyay kaas oo sida uu sheegay markaa gaariga ugu maqnaa shidaal.

Soomaalida weli ku harsan dalka Yaman ayaa dalbanaya in laga samata bixiyo dagaalada iyo duqeymaha weli ka socda dalkaasi  iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo in dadka ay ka go’day sahaydii yarayd oo ay heysteen.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com