Sawirro iyo xog: Mareykanka oo gaadiidka aan rasaasta karin keensaday magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)- Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineyso gaadiidka aysan rasaasta in safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Gaadiidka rasaasta aysan karin ayaa waxaa la sheegayaa in la doonayo iney adeegsanayaan shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Mareykanka ee yimaada magaalada Muqdisho.

Diyaarada laga soo dajiyay gaadiidkaasi ayaanan la ogeyn halka ay ka keentay, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya iney kasoo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mareykanka ayaa dhamaadkii Febraayo safiir cusub usoo magacaabay dalka Soomaaliya muddo 21 san kadib, taasi oo lagu sheegay soo wanaagsanaanshaha xiriirka Soomaaliya iyo USA.

2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com