Top 10: Tobanka atoore ee ugu taajirsan adduunka oo dhan

Halkaan waxaan kusoo qaadan doonaa liiska 10ka atoore ee adduunka ugu hantida badan, iyadoo liiskaan aan kasoo xigganay bogga Lolwot.

  1. Salman Khan – Hantida uu heysto: $200 million

48 sanno jirkaan ayaa ka mid ah atooreyaasha ugu wanaagsan Bollywood. Waxaana sidoo kale lagu qiimeeyaa mid ka mid ah halyeeyada Bollywood ka dib markii uu shaqo wanaagsan ku qabtay dalkiisa wuxuuna heystaa adduun lacageed lagu qiyaasay 200 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-1

  1. Will Smith – Hantida uu heysto: $215 million

Xiddiga Hollywood ayaa lagu tilmaamaa nin daacad u ah shaqadiisa wuxuuna ku caan baxay musasalka Fresh Prince of Bel-Air halka aflaantiisii ugu dambeysay uu ka mid ahaa filimka Suicide Squad wuxuuna heystaa adduun lacageed dhan 215 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-2

  1. Leonardo Di Caprio – Hantida uu heysto: $215 million.

Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan Leonardo DiCaprio dhowr sababood dartood. Wuxuuna markasta soo bandhigaa aflaam la jecleysto. Hantida uu heysto ayaa lagu sheegay 215 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-3

  1. Sylvester Stallone – Hantida uu heysto: $275 million.

Wuxuu caan ku ahaa filimadii Rocky iyo Rambo, Sylvester Stallone waa mid ka mid ah atooreyaasha maankaaga kusoo dhacaya marka lasoo hadal qaado aflaamta action-ka ah ee Hollywood. Sannadihii ugu dambeeyey wuxuu dib u habeyn ku sameynayey aflaamtiisiihore, wuxuuna heystaa 275 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-4

  1. Keanu Reeves – Hantida uu heysto: $350 million

Atoorahaan reer Canada ayaa wacdaro ku dhigay filimkiisa The Matrix. Waxaana la sheegayaa inuu heysto adduun lacageed dhan 350 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-5

  1. Tom Hanks – Hantida uu heysto: $390 million

Tom Hanks waa atoore laakiin shaqadaas oo keliya kuma koobna, wuxuu sidoo kale qoraa aflaamta, halka uu yahay agaasime iyo soosaare.  Sannado badan ayuu ku jiray shirkaddaan wuxuuna keenay filimaan ay ka mid yihiin Cast Away, Catch Me If You Can, Apollo 13, Toy Story, Da Vinci Code, You’ve Got Mail iyo kuwo kale, wuxuuna heystaa adduun lacageed dhan 390 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-6

  1. Johnny Depp – Hantida uu heysto: $450 million

 

Wax qabadkiisii ugu fiicnaa wuxuu kusoo bandhigay filimka Captain Jack Sparrow ee tixanaha The Caribbean. Wuxuuna milkiile ka yahay shirkadda Infinitum Nihil. Wuxuuna heystaa adduun lacageed dhan 450 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-7

  1. Tom Cruise – Hantida uu heysto: $480 million

Hala yaabin inuu xiddiga ku caan baxay aflaamta action-ka ah kasoo muuqday liiskaan. Waa mid aad loo jecel yahay isla markaana soo saaray filimaan la jecleystay oo ay ku jiraan Top Gun, Few Good Men iyo tixanaha Mission Impossible wuxuuna heystaa adduun lacageed lagu sheegay 480 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-8

  1. Shah Rukh Khan – Hantida uu heysto: $600 million

Wuxuu dhaxlay niinaasta “The King of Bollywood” xiddigaan ayaana ka mid ah atooreyaasha ugu taajirsan adduunka. Wuxuu dhigay aflaam badan oo Hindi ah. Wuxuu caawiyaa hayadda UNESCO, Shan Rukh Khan ayaana heysta 600 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-9

  1. Jerry Seinfeld – Hantida uu heysto: $820 million

Jerry Seinfeld oo ka mid ah dadka ugu caansan aflaamta shactirada ah iyo musasalada ka baxa TV-yada ayaa hogaaminaya liiskaan, isagoo heysta 820 milyan oo dollar.top-10-richest-actors-in-the-world-10