Ciidamada Nabad-Sugidda iyo booliiska Somalia oo burburiyay guri xildhibaan hore uu lee yahay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Nabad sugida iyo booliska Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday guri uu leeyahay xildhibaan hore oo ku yaala agagaarka warshada caanaha ee magaalada Muqdisho.

Ex Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, ayaa la sheegay in gurigiisa ay weerareen ciidamada dowlada Soomaaliya ee Nabad sugida iyo booliska, waxaana la sheegayaa in qoys halkaasi deganaa ay si xun ula dhaqmeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa burburiyay qeybo kamid ah guriga uu leeyahay xildhibaan hore Maxamed Jaamac Furux, iyaga sidoo kale agab ka burburiyay qoyska kirada u deganaa guriga.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Maxamed Jaamac Furux uu ku maqan yahay magaalada Cadaado uuna ka qeyb galayo dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka.

Lama oga sababta ka dambeysay weerarka ciidamada Nabad sugida iyo booliska ay ku qaadeen guriga uu leeyahay xildhibaanka hore ee ka tirsanaa baarlamaankii ku meel gaarka ahaa.

Taliska booliska iyo nabad sugida ayaanan wali ka hadlin falka ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com