Xasan Sh. oo mar kale u hiiliyey Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale taageero cad siiyay lana saftay hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) kadib markii uu  soo dhoweeyay dhismaha Baarlamaanka muranka badan ka taagan yahay ee Jubba oo dhowaan magaalada Kismaayo lagu sameeyay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayuu madaxweyne Xasan Sheek ku sheegay in dhismaha Baarlamaankan uu yahay tallaabo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka federaalka. wuxuuna sheegay inuu soo dhoweynayo  dhismaha baarlamanka maamulka Jubba, “Waxay tani ka tarjumeysaa inay nooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena”ayaa lagu  yiri  warsaxaafadeedka Madaxweynaha.

Wuxuu madaxweynaha sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqan gelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhiimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladdu waxay diyaar u tahay inay Maamulka Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashay hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka.

Beelo fara badan ayaa ka biyo diidan sida loo qeybiyay baarlamaanka Jubba iyagoo eedeyn u jeediyay faragelinta Itoobiya iyo maamulka Axmed Madoobe waxaana xafiisyada dowladda la gaarsiiyay baaqyo iyo cabashooyin waaweyn oo lagu qeexayo cadaalad darrada ka dhacday Kismaayo.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inaysan door ku lahayn dhismaha maamulka Jubba oo kaalinteedii ay u siisay Axmed Madoobe iyo IGAD oo ay hormuud u yihiin Danjire Afey iyo Jen. Gabre taasoo quus ku rideysa beelihii Soomaaliyeed ee dowladda ka sugaayay inay arrinta soo dhex gasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com