Maareeyaha Favori oo sheegay in la xaliyay ceeb farsamo oo ka dhacday Garoonka Aadan Cadde

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay saxaafadda la hadlay Maareeyaha amniga ee shirkadda FAVORI ninka lagu magacaabi Hakan Aydin faahfaahin ka bixiyay in la xaliyay dhibaatadii ka dhacday dhismaha cusub ee Garoonka Adan Cadde kadib markii roobabkii dhowaan da’ay uu garoonka celin waayay, taasoo la yaab ku noqotay mas’uuliyiinta Soomaalida.

Maareeye Hakan ayaa sheegay roobadkii dhowaan ka da’ay caasimadda ay saameyn ku yeesheen Terminalka cusub, balse ay hadda ku guulesteen inay dib u habeyn ku sameeyaan meelihii uu roobka ka soo galay, Wuxuuna ku dooday in xiligii dhismaha Terminalka socday aysan jirin hab ay ku ogaan kareen meelaha uu roobku ka soo galay.

Wuxuu ka hadlay agaasimaha isbedelka weyn ee ku yimid howlaha Garoonka, wuxuuna caddeeyay in tirada rakaabta iyo diyaaradaha yimaada Garoonka Muqdisho ay si weyn u kordheen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com