“Xildhibaanno badan ayaan garab ka heysannaa Xasan Sheikh uma dulqaadan doono intaa kadib”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan BF Somalia ay kasoo horjeedan Hanaanka awood qeybsiga Baarlamaanka Mamaulka Jubba, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Mudane ka tirsan BF.

C/llahi Maxamed oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka shanqariyay in ka xildhibaan ahaan ay qilaafsan yihiin go’aanka uu Madaxweyne Xasan ku aqoonsaday Baarlamaanka Jubba, waxa uuna sheegay in Xassan Sheekh uu ka taliyo Villa Somalia balse diidmada iyo ogolaanshaha uu yahay mid u yaala BF Somalia.

Wuxuu sheegay inay nasiib daro tahay inuu aqoonsado Baarlamaan hal dhinac u raran taasina ay iska hor keenikarto Madaxtooyada Somalia iyo Baarlamaanka, waa hadii uu yiri Xasan uu kusii adkeysto go’aanka.

Mar wax laga weydiiyay kaalintooda ku aadan burburinta go’aanka Madaxweynaha ayuu sheegay in Xasan Sheekh aysan ugu dulqaadan doonin ficilada uu ku baalmaraayo sharciga dalka, waxa uuna farta ku goday in xildhibaanada go’aankaasi kasoo horjeeda ay gaarayaan ilaa 30 xildhibaan, lagana yaabo inay intaa kasii bataan.

Geesta kale, waxa uu ka deeriyay qaabka DF Somalia ay u hirgalineyso shuruucda dalka lagu hagaayo, waxa uuna carabka ku dhuftay in nidaam waliba uu burburinaayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com