Daad qaaday tirminaalka cusub ee Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa saakay ku waabariistay burbur xoogan oo ku yimid qeybta duulimaadyada ee dhawaan la dhisay.

Dabeylo iyo roob xoogan oo Habeenimadii xalay ka da’ ay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sababay inuu kala daato agabkii loo adeegsaday dhismaha garoonka kaasi oo u badnaa qalabka casriga ah oo looga kaaftoomo laamayeeriga.

Waxaa xafiisyada isku maray biyo daad ah oo ku rogmay, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu Saakay hakat galo howlihii ka socday garoonka Aadan Cadde.

Waxaa sidoo kale, Saakay xiran inta badan wadooyinkii dhawaan ay dhistay Dowlada Turkiga oo ay dhex fadhiisteen biyihii kasoo rogmay xaafadaha, kadib markii uu xalay da’ ay roob lagu diirsady kaasi oo watay dabeylo.

Arrintaani ayaa noqoneyso tii labaad oo muddo laba asbuuc gudaheeda ka dhacday garoonka mana jirto cid si gaar ah mas’uuliyad isaga saartay.

Tani ayaa ka turjumeyso in aysan wali dhamaan dhismaha garoonka kasocday si deg deg ahna Tirminaaka cusub loo howlgaliyay, waxaana hada biyo celin iyo kahaortagis wada shaqaalaha garoonka oo adeegsanaya katarbiilo iyo alaabo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com