Xog: Xilka Taliyaha Booliska oo muddo 6 bilood u xayiran madaxweyne XASAN Sheekh, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrimaha lagu bartay hogaanka sare ee dalka ka arrimaya (Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud) waxaa ka mida guddoon jilicsan oo kamida astaamaha aanay haboon in hogaan umadeed ku sifoobo, taasoo micnaheedu yahay in go’aan qaadashiisu tahay mid waqti dheer qaadata oo keenta arrimaha soo socda:

  • Dhiirigelin musuqmaasuq
  • Ku takri-fal awoodeed
  • Khaladaad ku yimaada isu dheeli-tirka awood qeybsiga dowladeed

Tusaalaha ugu sahlan waa in jagada TALISKA BOOLISKA ay muddo ka badan 5 bilood maran tahay oo xilkaasi muhiimka ah gacanta ku hayo sii-haye, ahaana taliye xigeenka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cusmaan  Cumar Weheliye(Gasgas). Kusime-nimada waxaa Jen. Gasgas u magacaabay Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed kadib markii uu soo jeediyay wasiirkii Amniga ee xilligaasi Khaliif oo markaas khilaaf ba’an kala dhaxeeyay madaxweynaha.

Tan iyo intii uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidamada Booliska General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil 30 Oktoobar 2014. ma suuragelin in taliye cusub loo magacaabo ciidamada Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ka meermeeray inuu Taliye cusub u magacaabo xilkaas muhiimka ah ee laf-dhabarka u ah ammaanka.

Ujeedadu maaha in sii-haya hadda xilka hayaa aanu qaban karin xilkaasi ama kartidiisa lahayn, waxaaba la oran karaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu haboon xilkan, balse waxaa muhiin ah inaan is weydiino: Ilaa intee ayaa xilka muhiimadaas leh lagu heyn karaa KUSIME..??

Sababtu si kastaba ha ahaatee waxaa hore u soo shaac baxay in magacaabayo taliyeyaal cusub oo dhammaan la bedelayo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, kadibna waxaa la galay loolan beelaha dhexdooda ah, waana tan loo aaneynayo in lagu dhiiran waayo magacaabidda taliyaha booliska.

Mas’uul og inuusan xilka ku raageynin waa la qiyaasi karaa wixii uu sameyn karo siiba xaaladda aan ku suganahay. Kaaga sii darane waxaa is qaban karin in taliyaha Nabad sugidda iyo sii-hayaha taliyaha Booliska ay wada noqdaan isku heyb haddana madaxweynaha dhinaciisa ka soo jeeda, khaladaadkaas oo dhan waa kuwo dhinaca madaxweynaha is moodsiinayo waxayna tani dhaceysaa iyadoo dadku ku xisaabtamaan beel ahaan oo lagu qeybsado jagooyinka.

Arrimahan oo dhami waxay caddeyn u yihiin sida hogaanka madaxweyne Xasan Sheekh uga luntay go’aan qaadashadii habooneyd ilaa heer mararka qaarkood isagu abuurto xaalado fashil ah ama caddowgiisa siiyo fursado waaweyn oo ay ku waxyeeleyn karaan, waana sida lagu yaqaan hogaanka ay xikmaduhu ku yaraadaan.

Isha: goobjooge