26.9 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

Xog: Axmed Madobe oo bilaabay in xildhibaan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bilaabay la tashiyo la sheegay in maamulkiisa uu ku Diyaarinaayo Xildhibaanada cusub ee maamulka u matali doona BFS ee dhawaan la dhisi doono.

Axmed Madoobe oo ka Duulaaya go’aankii mideysnaa ee laga soo saaray shirka wada-tashiga, ayaa waxa uu bilaabay in arrinta Xildhibaanada uu kala tashto Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Jubbaland.

La-tashiga arrintaani ku aadan ayaa la sheegayaa inuu u magacaabay gudiyo hoose oo ay ku mideysan yihiin Odayaal iyo Siyaasiyiin, waxa uuna Axmed Madoobe Beelaha ku hoos-nool maamulkiisa u ballanqaadayaa inay heli doonaan xuquuqdooda.

Axmed Madoobe ayaa doonaaya in Xildhibaanada Cusub uu u badiyo dhalinyaro si haddii ay u dhacdo Khilaaf dhexmara DFS iyo Jubbaland uu u adeegsado Xildhibaanada uu isaga xulistooda wado.

Dhanka kale, go’aanka ay DFS xulista Xildhibaanada ku hoos geysay Maamulada dalka, ayaa waxaa aad u dhaliilsan Beelaha qaar.

Caasimda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News