Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya warar hoose oo sheegaya in DFS ay si hoose ugu guda gashay dhammaan howlihii muujinaayay u diyaar garowga Doorashada la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sanadka aan ku jirno ee 2016-ka.
Inta badan howlaha arrimaha Doorashada la xiriira ayaa waxaa qaabab hoose u wada xubno ku firfircoon Siyaasada dalka oo inta badan lagu xanto inay yihiin kuwo fakirkooda uu si xooli ah uga hirgalo dhanka Villa Somalia oo ah halka ay kasoo burqato Siyaasadda dalka.
Ragga howlaha sida hoose u wada ayaa waxaa lagu sheegaa inay ka mid yihiin Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaan Faarax C/qaadir, Wasiir Mahad Salaad iyo Mas’uuliyiin intaa kasii badan oo aan halkaani lagu soo koobi karin.
Miisaanka ugu weyn ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dusha uu ka saaran yahay Jawaari oo inta badan kala furfura caqabadaha Madaxweyne Xassan Sheekh kaga imaada dhanka Baarlamaanka.
Marka laga soo tago miisaanka iyo kalsoonida uu Xassan Sheekh dusha ka saaray Guddoomiye Jawaari, ayaa waxaa hadana jira warar hoose oo muujinaaya in Jawaari qudhiisa uu wato mas’uul kale oo aan aheyn Xassan Sheekh kaasi oo dhawaan la filaayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.
Mas’uulka uu Jawaari wato ayaa la sheegayaa in dhowr jeer oo sii horeysay uu ku fashilmay in Xukuumadihii isku shaandheynta ku baxay uu kamid noqdo balse culeysyo Siyaasadeed oo jira aawgood oo arrintaasi loo hakiyay.
Madaxweyne Xassan Sheekh wali kuma uusan baraarugin qorshooyinka hoos qulqulaaya ee uu wado Guddoomiye Jawaari, waxaana suuragal ah in xiriirka iminka ka dhexeeya Xassan Sheekh iyo Jawaari uu ku ekaado xiliga gabagabada ololaha doorashada ama ka hor inta aysan dhicin doorashada.
Guddoomiye Jawaari ayaa iminka qorshooyinkiisa u qarinaayo si aan carqalad Siyaasadeed ugu imaan xilkiisa wakhti ay Dowladu tahay mid gabogabo ah.
Geesta kale, waxaa nasiib darro noqon doonta in wakhtiga kala guurka ee Musharaxiintu ay raranayaan shandadahooda ay ku jiraan dhaqaalaha uu Xassan Sheekh kusoo baraarugo arrintaani iminka taagan, waxaana la rumeysan yahay in xiriirka iyo is jaceylka ka dhexeeya labada mas’uul uu noqon doona mid ku ekaada xiliga gabagabada doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

